Rayaale Oo Madaxweyne Biixi U Soo Jeediyey Talooyin Ku Aaddan Arrinta Jabhadda Caarre

Boorama (HCTV) – Madaxweynihii hore ee Somaliland, Md. Daahir Rayaale Kaahin oo Maanta Salaaddii Ciidda la tukaday Shacabka Magaalada Boorama ayaa ka hadlay Colaadda Beelaha Ceel Af-weyn iyo Jabhadda Caarre.

Mudane Rayaale oo Waraysi kooban siiyey Telefiishanka HCTV ayaa ugu horrayn isagoo ka hadlaya Murannada la xidhiidha Doorashooyinka dib u dhacay wuxuu yidhi “Dalku waa khayr ee Ilaahay khayrka ha u siyaadiyo, wixii khilaaf ahna halla iska daayo ee aan waxba Dadka u tarayn. Khilaafka Ilaahay baa inagala dardaarmay oo waxba Dadka waxba uma taro, Ummaddu ha noqoto kuwo isku waaniya Samaha, iskana waaniya xumaha inay ka hadhaan, markaa waxaan ku talinayaa in laga heshiiyo wax kasta oo khilaaf ah oo la isku hayo.”

Madaxweynihii hore ee Somaliland wuxuu masiibo u tilmaamay Colaadda Beelaha Walaalaha ee Ceel af-weyn, taasi oo in badan soo noqnoqotay “Taasi waa Masiibo Ummadda ku dhacday, wax loo baahan yahayna maaha, markaa waxaan Ummadda kula talinayaa Dad Walaalo ah ayaad tihiin, ma kala guuraysaan, Anigu waan aqaanaa deegaankaa (Ceel Af-weyn), mar haddaydaan kala guurayn oo ILLAAHAY iskiin baday inaad Dilka iyo dhagarta uu ILLAAHAY Mabnuucay iska daysaan oo aad Walaalowdaan.”

Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray oo uu Madaxweyne Muuse Biixi u soo jeediyey inuu Arrinta Jabhadda Caarre ku dhameey Heshiis “Waxaan ku talinayaa in Caarre iyo Cid kasta heshiis lagu dhameeyo Amuuraha meeshaa ka taagan, isagaa Dalka ugu sarreeya (Madaxweyne Biixi) markaa wax kasta oo uu maarayn karo oo uu nabadda ku soo dabbaali karo uu ku soo dabbaalo..”

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka