Dakhliga Ethiopia Ka Soo Gala Wax Dhoofinta Oo Hoos U Dhacay

Addis Ababa, (HCTV) – Wax dhoofinta Itoobiya ayaa hoos u dhacayay ilaa sanadkii 2012, kaas oo hoos u dhucu uu gaadhay $170 milyan sanad miisaaniyadeedka la soo gabagabeeyey July 7, 2019 marka la barbar dhigo sanadkii hore.

Dalka Ethiopia wuxuu helay lacag dhan $ 2.67 bilyan laga bilaabo 8da July, 2018 – July 7, 2019. Weli dakhliga ugu badan (74 boqolkiiba) wuxuu ka yimid dhoofinta badeecadaha beeraha. Marka la barbar dhigo $ 2.84 bilyan wadarta daqliga dhoofinta ee dalka Ethiopia helay sanadkii hore, Dakhliga ayaa hoos u dhacay $ 170 milyan, sida ku cad macluumaadka NewBusinessEthiopia.com ee ay ka heshay Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Itoobiya.

Qorshaha dowladda ee miisaaniyadda sanadka ee lasoo gabagabeeyey bishii July ee lasoo dhaafay wuxuu ahaa $ 4.32 bilyan. Dalkan bariga Afrika ku yaala waxa soo food saartay dhibaato lacagta qalaad oo ku yaraatay oo aad u daran sababtuna ay tahay ganacsiga oo aad u hooseeya $14 bilyan iyo kordhinta deynta dibedda oo badatay.

Isku dheelitir la’aanta dhaqaale ee Macroeconomics ayaa ku kaliftay taliska inuu bilaabo qayb ka mid ah ganacsigiisa meheradaha iyo in si xor ah loo sii daayo waaxo hore uga xidhnaa maalgashadayaasha shisheeye. Kuwaas oo ay ka mid yihiin Ethio Telecom, khadadka maraakiibta, adeegga laydhka, Ethiopian Airlines, jidadka tareenka iyo dhawr warshadood oo sonkor ah ayaa hadda loo dejiyey qayb gaar ah iyo shirkad gaar ah iyada oo mudnaanta la siinayo maal-gashadayaasha shisheeye.

Dhawaan ayaa dalka Ethiopia uu sidoo kale shaaciyay qorshihiisa ah inuu ku soo daro labo shirkadood oo taleefoon ah oo cusub oo dibada laga leeyahay, waxaana nidaamka dowladnimo ee hadda jirta ee Ethio Telcom, kaasoo la rajeynayo inuu ka iibiyo ilaa 49 boqolkiiba saamigeeda maalgashadayaasha shisheeye.

146 dal ayay Itoobiya u dhoofisay alaabaheeda inta lagu gudajiro sanadka la soo gabagabeeyey 7-da July, 2019, Maraykanka ayaa ah halka ugu badan ee loo dhoofin karo oo qiimahiisu ahaa $283.22 milyan (oo iibsaday boqolkiiba 10.6 wadarta dhoofinta sanadka).

Soomaaliya oo ah dal daris la ah Ethiopia waxay iibsato $257.87, Netherlands $213.03, Sacuudi Carabiya $ 183.18 iyo Shiinaha oo soo dejisay badeecado $ 156.78 ah. Isla muddadaas Imaaraadka Carabtu wuxuu kaloo soo dejiyey badeecado qiimahoodu dhan yahay $ 137.54, oo ay ku xigto $ 132.24, Jarmalka $ 126.48, Japan $ 122.12 iyo Israel $ 106.38.

Badeecadaha waaweyn ee beeraha ee ay Itoobiya dhoofiso waxaa ka mid ah- kafeega, Qaadka (caleen khad leh oo loo arko inay tahay maandooriyaha wadamada qaar sida Ingiriiska), ubaxa, miraha saliida, digirta, miraha, khudradda, shaaha, malabka, caanaha iyo waxyaabaha caanaha laga sameeyo. Waxay kaloo dhoofisay kalluun, hilib iyo xayawaan nool.

Qaar ka mid ah macdanta la dhoofiyey muddadan waa tantalum, dahab iyo noocyo kala duwan oo dhagaxyo qaali ah sida safayr. Marka laga hadlayo badeecada la soo saaray, Ethiopia waxay dhoofisay kabo maqaar, alaabo kale oo maqaar ah, dhar, dawooyin, koronto, kiimiko iyo wax soo saarka dhismaha, sida lagu sheegay warbixinta.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.