MAQAAL: Fool-Xumooyinka Ka Socda Ceel-Afweyn Iyo Khatarta Ay Leedahay Dilka Loo Gaysto Qof Muslim Ah

Diinta islaamku ahmiyad aad u wayn ayey siisay nolosha qofka muslimka ah, waxayna shareecada islaamku waajibisay in la ilaaliyo, la dhawro, amnigeedana la sugo nafta iyo nolosha ruuxa muslimka ah, iyadoo Ilaahay (SWT) uu xaaraan ka dhigay in sifo aan sharci ahayn loo gooyo nafta muslimka.

Sida ku cad aayaadka qur’aanka kariimka ah, dilka badheedhka ah ama si ula-kac ah loogu khaarajiyo qof muslim ah oo Ilaahay iyo Nebi Muxamed (SCW) rumaysan waxa uu ka mid yahay dunuubta waaweyn ee lagu mutaysto cadhada iyo cadaabta Alle.

Aayadda 93-aad ee Suuradda al-nisaa, waxa uu Ilaahay (SWT) ku caddeeyey afar ciqaabood oo wehel u noqonaya cidda si badheedh ah u disha qof muslim ah, afartaas ciqaabood oo kala ah;

  1. Naarta jahanama oo uu ku dhex waarayo
  2. Cadhada Ilaahay oo dushiisa ahaata
  3. Nacdasha Alle oo ku dhacda
  4. Iyo Ilaahay oo u ballanqaaday inuu marsiiyo cadaab weyn

Haddaba, qofka si badheedh ah u dila naf muslim ah waxa uu si cad ugu xad-gudbay saddex xuquuqooq oo aan loo bannayn inuu ku xad-gudbo, waxayna saddexdaas xuquuqood kala yihiin;

  1. Xaqa Ilaahay leeyahay ee ah inuu Alle waxna dilo, waxna nooleeyo.
  2. Xaqa qofka uu dilay lahaa
  3. Iyo xaqa ay leeyihiin qoyska iyo ehelka qofka la dilay

Waxa dambi weyn ah in qof muslim ah uu soo qaato qori ama hub kale, kadibna uu si badheedh ah ugu laayo dad muslimiin ah oo aan waxba galabsan, iyadoo ay weliba arrintaasi waqtigan aad ugu badan tahay dunida islaamka, gaar ahaan dalkeena Jamhuuriyadda Somaliland, waxaanna tusaale innoogu filan falalka foosha xun ee ka socda degaanka Ceel-afweyn ee Gobolka Sanaag, halkaas maanta (Isniin, 12 Augost 2019) lagu dilay shan qof oo isugu jira laba nin iyo saddex dumar ah, waana dil badheedh ah oo si ula-kac ah loogu gaystay dad muslimiin ah oo aannu Alle bannayn dilkooda.

Sida ku cad shareecada islaamka, qofka muslimka ah ee si badheedh ah u gaysta dil, waxa ku waajib ah inuu faraha ka qaado dambiyada waaweyn ee uu ku dhex jiro, kadibna uu Ilaahay (SWT) uga tawbad keeno, si uu Alle uga dhaafo xaqiisa uu ku xad-gudbay, isla markaana uu isku dhiibo qoyska ama ehelka cidda uu dilka u gaystay, kuwaasoo iyaguna xaq u leh inay codsadaan in loo qisaaso, xukun dil ahna loogu fuliyo ama inay mag-dhaw ka qaataan ama inay dar Ilaahay u cafiyaan.

Waxa kaloo dambiilayaal ah cidkasta oo gacan ka gaysata, haddii ay tahay taageero dhaqaale iyo mid hadal ama af ah, una fududaysa wax kasta oo sahlaya in qofku uu dil badheedh ah gaysto, waana arrin lagala xisaabtayo if iyo aakhiraba, waxaanna habboon in laga waantoobo dilalka sida badheedhka ah looga fulinayo dalka Somaliland ee lagu qudh-goynayo qof muslim ah, Ilaahay-na ha laga cabsado, dunuubta dhacaysana ha looga tawbad keeno. Waxa aan Ilaahay (SWT) ka baryayaa inuu innaga qabto dadka fidmo-abuurka ah ee daadinaya dhiigga dadkeena, waxaanna Dowladda iyo madaxda qaranka Jamhuuriyadda Somaliland waajib ku ah, xilna ka saaran yahay inay wax ka qabtaan fool-xumooyinka ka socda degaanka Ceel-afweyn, iyadoo lala imanayo ficil iyo qawl lagu suulinayo ceebta taala Ceel-afweyn.

Maxamed Cirro, Hargeysa, Somaliland