Puntland Oo Sheegtay Inay Qabatay Xubno Al-shabaab Ah Oo Somaliland Soo Dhex Maray

Sanaag (HCTV) – Ciidammada Booliska ee Maamul-gobolleedka Puntland ayaa sheegay inay qabteen dagaalyahano ka mid ah Kooxda Al-shabaab oo doonayey inay galaan Buuralayda Galgala oo fadhiisin kooxdaasi.

Taliyaha Booliska Bariga Gobolka Sanaag ee Puntland, Cabdirisaaq Faarax Warsame ayaa sheegay in Ragga Al-shabaab ka mid ah oo ka yimid Beledweyne isla-markaana soo maray dhanka Somaliland, gaar Magaalooyinka Burco iyo Ceerigaabo ay qabteen ka hor intii aanay gelin Buuralayda Galgala.

“Siday noo sheegeen Beledweyn ayay ka yimaaddeen, Gobollada dhexena way u dhasheen..” ayuu yidhi, Taliyaha Booliska Puntland ee bariga Sanaag “Waxay ka soo gudbeen Galbeedka, waxay soo mareen Burco, Burco hadday habeenno joogeena, waxay yimaaddeen Ceerigaabo, Ceerigaabana waxay uga soo gudbeen Badhan, Badhana waxay uga sii gudbayeen Buurta Galgala, dabadeedna sidaas ayaanu ula soconay, Ciidammadu isha ayay ku hayeen.”

Taliyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay “Meel Barkado ku yaallaan oo Dix-dhaaxood ka shishaysa oo ah halka ay Buurta ka fuulaan oo ay Waddadu isugu timaaddo ayuu Ciidanku u sii galay, halkaas ayaa lagu qabtay 5 Qof iyo Gaadhi Land Cruiser ah oo ay wateen, agabkii Ciidammaduna u saaran yahay.” ayuu yidhi, waxay isku dayeen inay dagaalamaan oo ay baxsadaan, laakiin Nin baa ka dhintay, Afartii kale iyo gaadhigiiba waalla qabtay.”

Taliyaha oo la waydiiyey waxay ku xaqiijiyeen inay Raggani Al-shabaab ka mid yihiin, ayaa ku jawaabay “Ma dafirin..” ayuu yidhi, isagoo intaa si raaciyey in weliba baadhis lagu wado isla-markaana u sheegeen Ciddii soo Ambo-bixisay iyo dadka u joogay Gobollada ay soo mareen.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka