Liiska Baarlamaan Kale Oo Goor Dhawayd Lagaga Dhawaaqay Kismaayo

Jubbaland (HCTV) – Khilaafka ka taagan habka loo soo xulayo Xildhibaannada Baarlamaanka cusub ee Maamul-gobolleedka jubbaland ee Soomaaliya ayaa Cirka isku shareeray, ka dib markii xalay Guddiga Xuduudaha iyo Doorashooyinka Jubbaland uu ku dhawaaqay 73 Xildhibaan oo ay soo xuleen Odayaasha dhaqanka ee Beelaha dega Jubbaland.

Laakiin, Musharraxiinta u taagan Xilka Madaxweyne-nimo ee Maamulka Puntland oo si adag uga biyo diidsan Habka loo soo xulay Xildhibaannada 73-ka ah isla-markaana aamisan in Xildhibaannada la soo xulay yihiin kuwo si gaar ah u taageersan Madaxweyne Axmed Madoobe, ayaa Guddi doorasho oo ay Musharraxiintaasi Magacaabeen waxay Saaka ku dhawaaqeen Liiska Xildhibaanno cusub oo ku sheegeen Baarlamaanka cusub ee Jubbaland.

Liiska Xildhibaannada ay ku dhawaaqeen Guddiga doorashada Jubbaland ee ay Musharraxiintu Magacaabeen ayaa ka kooban 75 Xubnood.

Liiska cusub ee Xildhibaannada ay ku dhawaaqeen Guddiga ay Magacaabeen Musharraxiinta isbeddel-doonka ah ee Jubbaland ayaa sii adkaynaya khilaafka ka taagan habka loo soo xulayo Xildhibaannada cusub.

Halkan Hoose ka Akhri Liiska cusub

 

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka