Boqollaal Haween Ah Oo Ka Mudaharaadaya Mexico + Sababta

Mexico (HCTV) – Boqollaal Mudaharaadayaal ah ayaa buux-dhaafiyey qaar ka mid ah Jidadka Caasimadda dalka Mexico, iyagoo dalbanaya in Cadaaladda la mariyo Rag ku eedaysan inay kufsadeen Laba hablood oo da’yar.

Dadweynaha Mudaharaadaya oo u badan dumar ayaa ka cadhooday in Labada Hablood ay si kufsadeen Rag ka mid ah Ciidammada Booliska dalka Mexico.

ku Dhawaad 300 oo Mudaharaadayaal u badan Dumar, ayaa ku soo hor xoomay Xafiiska Xeer ilaaliyaha guud ee Mexico oo ku yaalla Caasimadda Dalkaasi Isniintii Shalay.

Kufsiga dumarku kuma cusba Dalka Mexico, laakiin Labada Kiis ee u dambeeyay ayaa ka cadhaysiiyey Dumarka Dibed-baxyada Wada.

Falka koowaad, Gabadh da’deeda lagu sheegay 17 Jir ayaa sheegtay inay gaadhi ku dhex kufsadeen Afar Askari, Magaalo lagu Magacaabo Azcapotzalco  oo caasimadda Waqooyiga Mexico ah, 3 Bishan August.

Kiiska labaad, Gabadh 16 jir ah ayaa sheegtay inuu Askari Boolis ahi ku ku kufsaday ama Faro-xumeeyay gudaha Madxaf ku yaalla badhtaha Caasimadda dalkaasi, Maalmihii la soo dhaafy.

Intii Mudaharaadku socday, Wasiirka Amniga ee Mexico, Jesús Orta Martínez ayaa dumar badan ku urureen markii uu isku dayey inuu ballan-qaado in kiisaska Kufsiga ah ee ay Mudaharaadkooda keenay la baadhayo.

Claudia Sheinbaum oo ah Haweenaydii ugu horraysay ee loo doorto Maayarka Magaalada Mexico oo ka hadashay Mudaharaadka ay haweenku ka wadaan Magaalada ay Maamusho, ayaa sheegtay “Waxay doonayaan in Dawladdu ka jawaabto dhibaatada..” ayay tidhi, waxayna dibed-baxa Haweenka ku macnaysay mid ay cadho ka keentay.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka