Xuutiyiinta Oo Weerarray Garoon Diyaaradeed Oo Sucuudiga Ku Yaalla

Saudi (HCTV) – Jabhadda ay IRAN taageerto ee Xuutiyiinta ayaa Weerarray Garoon diyaaradeed oo ku yaalla Magaalada Apha ee boqortooyada Sucuudiga.

Weerarkan oo dhacay Salaasada Maanta ayaa waxay Xuutiyiintu u adeegsadeen diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ee loo yaqaano Drone, sida ay baahisay Wakaaladda Wararka ee Reuters oo soo xiganaysa Telefiishanka Xuutiyiinta ee Al-masirah Tv.

Ilaa hadda Warbaahinta Sucuudigu ma sheegin War la xidhiidha Weerarka xuutiyiintu sheegeen inay ku qaadeen garoonka diyaaradaha ee Abha, mana jiro Masuul Sucuudiyiin ah oo ka hadlay.

Xuutiyiinta oo Maamula Sanca iyo Dhul badan oo Yemen ah ayaa Weerarrada ay la beegsadaan Garoommada diyaaradaha ee Sucuudiga iyo meelaha kale ee Dalkaasi, waxay jawaab uga dhigayaan Duqaymaha Sucuudiga iyo Xulafadiisu ku hayaan Fadhiisimadooda Gudaha Yemen.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in Weerarrada noocan ahi sii murginaya Wada-xaajooyada Qaramada Midoobay Gadh-wadeenka ka tahay ee la doonayo in lagu wada hadashiiyo Xuutiyiinta iyo Dawladda uu Sucuudiga iyo Xulafadiisu taageeraan ee uu Hoggaamiyo Madaxweyne Cabdurabbi Haddi.

Weerarrada dhanka Cirka ee Xulafada reer Galbeedku taageero ee Sunniyiinta uu Sucuudigu hoggaamiyo ayaa Yemen ka bilaabmay sannadkii 2015-kii, illaa xilligaana waxay isku dayayaan inay awoodda Yemen dib gacanta ugu soo geliyaan Dawladda cusub ee Cabdurabbi Haddi, ka dib markii awoodda dalkaasi gacanta u gashay Xuutiyiinta oo taageerada ka hela IRAN.

Ugu dambayn, Weerarka Xuutiyiintu ku qaadeen garoonka Abha oo ku yaalla Koonfurta galbeed ee Sucuudiga, ayaan la ogayn khasaaraha ka dhashay, inkasta oo ay weli xilli hore tahay.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka