Hoggaamiyaha Ruuxiga Ah Ee IRAN Iyo Afhayeenka Jabhadda Xuutiyiinta Oo Kulmay

Tehran (HCTV) – Hoggaamiyaha Ruuxiga ah ee dalka IRAN, Ayatollah Ali Khamenei ayaa ku taliyey in la taageero Dagaallada Jabhadda Xuutiyiintu kaga soo horjeedaan Xulafada uu Sucuudigu hoggaamiyo, kaasi oo uu ku eedeeyay inay kala jarayaan ama kala goynayaan Dalka Yemen.

Ayatollah Ali Khamenei ayaa hadalkan sheegay, ka dib markii uu Magaalada Tehran kula kulmay Afhayeenka Kooxda Xuutiyiinta, Mohammad Abdul Salam. 

Mr Khamenei wuxuu sheegay in Saudi Arabia, Isku Tagga Imaaraadka Carabta iyo Taageerayaashoodu ay raadinayaan dariiq ku burburiyaan Yemen isla-markaana ku kala googooyaan, Qorshahaasi oo uu xusay inay waajib tahay in laga hor-tago.

Xulafada Sucuudigu hoggaamiyo ayaa Waqooyiga Yemen kula dagaalamayey illaa bishii March ee sannadkii 2015-kii, iyagoo matalaya Dawladda Beesha Aqoonsan tahay ee Madaxweyne Abdrabu Mansur Hadi oo Dalka dibeddiisa jooga.

Imaaraadka Carabta iyo Sucuudiga ayaa Isniintii ku baaqay inay Wada-hadlaan Dawladda Yemen ee Abdrabu Mansur Hadi iyo maleeshiyaadka dagaallada ka wada Magaalada Cadan, laba Maalmood ka dib markii Jabhadda Gooni u goosatada reer Koonfureedku xoog ku qabsadeen Cadan.

Inkasta oo uu Imaaraadku ku baaqayo Wada-hadallo Nabadeed, haddana waxa uu taageerayaa Jabhadda Gooni u goosatada ah ee qabsaday Cadan, waxaana Wararka qaarkood sheegayaan inay Yemen ka joogaan Imaaraadka Ciidammo Calooshood u shaqaystayaal ah oo gaadhaya 90 kun.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka