“Waxa La dhaawacay Afhayeenkii Af-shabaab.” Warbaahinta Dawladda Soomaaliya

Soomaaliya (HCTV) – Warbaahinta Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta tebiyey in Ciidammada Dawladdu ay dhaawac gaadhsiiyeen Afhayeenka guud ee Xarakada Al-shabaab, Cali Maxamuud Raage iyo Dagaalemayaal kale oo kooxdaasi ka tirsan.

Warka ay Warbaahinta Dawladdu baahisay ayaa sheegaya in Hawl-gal qorshaysan oo Ciidammada Dawladda ee sida gaarka ah u tababbaran ka fuliyeen deegaanka Shaam oo hoos-taga Degmada Aw-dheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose lagu dilay 17 Xubnood oo Al-shabaab ka mid ahaa, halka lagu dhaawacay illaa 25 Dagaalemayaal kale, kuwaasi oo uu ka mid yahay Afhayeenka guud ee kooxdaasi, Cali Maxamuud Raage.

Warbaahinta Dawladda Soomaaliya oo soo xiganaysa Saraakiisha Sirdoonka ayaa ku warrantay in dhaawaca Cali Maxamuud Raage lagu hayo deegaanka Kuntu-waareey ee Gobolka Shabeelaha hoose, hase-yeeshee Hawl-galka oo la sheegay inuu dhacay 11-kii bishan ayaanay jirin Cid Madax-bannaan oo xaqiijin kartaa.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka