Su’aalo Iyo Jawaabo: Waraysi Uu HCTV La Yeeshay Kornayl Caarre

Hargeysa (HCTV) – Telefiishanka HCTV ayaa Waraysi dhinacyo kala duwan taabanaya la yeeshay Kornayl Siciid Cawil Caarre oo hoggaamiya Jabhad ka goosatay Ciidammada Qaranka Somaliland oo cadho ku jooga bariga Fog ee Gobolka Sanaag.

Kornayl Caarre ayaa Waraysiga uu Telefiishanku la yeeshay kaga jawaabay su’aalo laga waydiiyey halkay marayso Waan-waan laga dhex wado Isaga iyo Xukuumadda Madaxweyne Biixi, waxyaabaha uu dalbanayo in loo yeelo si uu uga tanaasulo Jabhadaynta iyo Arrimo kale.

Waraysigan oo bahda Waaxda ONLINE-ku qoraal idiinku beddelay ayaa isagoo dhamaystiran ku bilaabmay sidan:-

Su’aal: Dagaalka Ceel Af-weyn, Adiga ama Jabhaddaadu Lug ma ku leedahay ?

Jawaab: “Dagaalka Ceel Af-weyn waa mid naga horreeyay oo illaa Dawladda Siilaanyo ku siman, Annaga Xaggayaga wuu ka madax-banaan yahay, Masaajiddo la dumiyey iyo Ceelal la dumiyey ayuu Salka ku hayey, markaa wax lug ah kuma lihin.

Su’aal: Halkay Marayaan Wada-hadalladii Adiga iyo Odayaashu ?

Jawaab: Odayaasha waxaanu isla qaadanay in Nabadgalyo lagu wada-hadlo, waxaanu isla qaadanay in Xabad-joojin la sameeyo, qodobbadii heshiiska iyo waxyaabihii aan ka hadlayeyna iyagaan u dhiibay, muddana waanu qabsanay, waanan ka sugayaa.

Su’aal: Waxyaabaha aad codsatay ee aad Odayaasha u dhiibtay Maxaa ka mid ah ?

Jawaab: Odayaashayda ayaa sida (Waxaan codsaday) miiska Wada-hadallada ayay geynayaan, Madaxweynaha ayay u geynayaan, wixii ka soo baxana waan sugayaa haddii Allaah yidhaahdo.

Su’aal: Waxaad ku cel-celisay Odayaashaydii ayaa sida, Adigu marka hore ma Beel ahaan baad u cadhootay, mise Waxaad tihiin Jabhad doonaysa inay arrintooda Somaliland oo dhan saamayn ku yeelato ? Markaad Odayaasha soo dirsatay ma Beel baad matalaysaa ?

Jawaab: Taa, haba ka yaabin, Jabhaddu Lixda Gobol ee Somaliland-ba wayu ka jirtaa, Saraakiil, Siyaasiyiin iyo Madax-ba way leeyihiin, waanuna midaysanahay arrintaa, wax reer la yidhaahdaana ma jiraan.

Su’aal: Maxaa keenay in reer Keliya Madax-dhaqameedkoodu kuu yimaaddaan oo ay xalka raadiyaan, hadday Somaliland oo dhan ay Jabhaddu ka jirto ?

Jawaab: Taa waxa keenay, Ergada waxa la yidhaahdo waalla yaqaanaa, Ergada hadba Cidda ama Qabiilka ugu dhow ayaa la adeegsadaa.

Su’aal: Haddii ay waxba ku dhammaan waayaan Waan-waanta Adiga iyo Xukuumadda laga dhex wado, Tallaabada Xigta ee aad qaadaysaan Maxay tahay, Ma inaad dagaalka sii waddaa ?

Jawaab: Wax Ilaahay ku maqan Cidna kama sheekayso, markay timaaddo (jawaabta Ergadu) ayay taasi imanaysaa (Tallaabada aan qaadayaa).

Su’aal: Waxa jira Warar sheegaya in Xukuumaddu dalbanayso in marka hore aad isa soo dhiibto, Maxkamad lagu saaro, markaa ka dibna Cafis laguu fidiyo, Shuruudahaasi ma ka mid ahaayeen waxyaabaha laguula yimid ?

Jawaab: Ka Hor-dhici maayo arrintaa, laakiinse (Wax Shardigaa ku saabsan oo i soo gaadhay) ma jiraan.”

 

Cabdiqaadir A. Carab

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka