Tirada Dad Ku Dhintay Qarax Ay Geystay Haweenay

Chad (HCTV) – Ruux haween ah ayaa isku qarxisay meel ka mid ah Galbeedka Dalka Chad Xilli hore oo Arbacada Maanta ah.

Sida laga soo xigtay Sarkaal sare oo ka mid ah Ciidammada Chad, waxa Qaraxa Haweenaydu geysatay ku Geeriyooday dad gaadhaya Lix.

Ilo-wareedyo ayaa sheegay in Weerarkan ay ka dambeeyeen Dagaalyahannada Kooxda  ka dagaalanka Waqooyiga Dalka Nigeria, laakiin weli Cid sheegatay ma jirto.

Weerarka oo ka dhacay Degmada Kaiga-Kindjiria ayaa Dadka ku dhintay waxa ku jira Askari, sida laga soo xigtay ilo-wareedyo aan Magacyadooda la xusin.

Kaiga-Kindjiria ayaa ka mid ah Gobolka Lac, kaasi oo ku xiga Harada Chad, waana Gobol ay wadaagaan Dalalka Chad, Cameroon, Niger and Nigeria.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka