Raysal-wasaaraha Itoobiya Oo La Kulmay Wakiilka Dhiggiisa Japan

Addis Ababa (HCTV) – Raysal-wasaaraha Dalka Itoobiya, Dr Abiy Axmed ayaa qaabilay Wakiilka gaarka ah ee dhiggiisa dalka Japan, Danjire yushfaami okamura, kaasi oo booqasho ku jooga Dalka Itoobiya.

Labada Masuul ayaa kulanka ay yeesheen kaga wada-hadlay  hawlaha ka wada shaqaynta horumarinta aas-aasiga ah ee wadamada Qaaradda Afrika iyo sugida Amniga Waddamada Mandaqada Geeska Afrika.

Raysal-wasaare Abiy Axmed iyo danjire yushfami okamura ayaa sidoo kale ka wada-hadlay sidii loo sii adkayn lahaa xidhiidhka ka dhexeeya Dalalka Japan iyo Itoobiya.

Dawladda Japan ayaa ka mid ah Dawladaha waaweyn ee doonaya inay Maalgelin ku sameeyaan Dalalka Qaaradda Afrika.

Japan ayaa dhawaan dhistay dhabbo tareen oo u dhaxaysa Dalalka Itoobiya iyo Jabuuti, waxayna mashaariic waaweyn ka waddaa Dalka Jabuuti oo ay saldhig Ciidan ku leedahay.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka