Taliyaha Ciidamada Lugta Ee Soomaaliya Oo Ka Hadlay Weerarkii Awdheegle

Aw-Dheegle, (HCTV) – Taliyaha ciidamada Lugta dowladda Soomaaliya ayaa ka hadlay weerar qaraxyo ku bilaawday oo baqadii maanta Ururka Al-shabaab ay ku qaadeen saldhig ciidamada dowladda ku leeyihiin deegaanka Awdheegle.

Taliyaha ciidamada Lugta General Yuusuf Raage Odawaa oo la hadlay warbaahinta dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in degmada Awdheegle yaallaan hadda meydadka raggii weerarka soo qaaday kuwaas oo aan xisaab laheyn waa sida  uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale Taliyaha ayaa sheegay dagaalamayaal ururka Al-shabaab ka tirsan lagu qabtay dagaalkaasi, isla markaana ay soo bandhigi doonaan.

Ciidamada dawlada Soomaaliya ayaa dhawaan Al-shabaab ka saaray  degmadaasi, waxaana sidoo kale maalmahaan ay howlgallo kala duwan ka wadeen  tuulooyiinka hoostaga degmadaasi Awdheegle.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.