Malaysia Oo Kulan Ka Yeelatay Joogitaanka Dalkooda Ee Sheekh Zakir Naik

Kuala Lumpur, (HCTV) –  Golaha Wasiirada Malaysia ayaa maanta kulan ka yeeshay waxa laga yeelayo degenaanshaha uu dalkaas siiyey Sheekha u dhashay dalka India ee Dr Zakir Naik, kaas oo saddex wasiir oo ka mid ah xukuumada Malaysia ay dalbadeen in dalka laga saaro, maadaama oo lala xidhiidhinayo eedeymo ku saabsan khudbado xasaasiya oo uu dalka India ka jeediyey.

Sheekh Zakir Naik ayaa Malaysia ku noolaa saddexdii sano ee la soo dhaafay, waxaanu dalka India ku wajahayaa dacwado la xidhiidha khudbado xanaf leh oo uu ka jeediyey dalkaasi, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen hadal aad loogu dhalleeceeyey Malaysia, oo ahaa in dadka Hindus-ka ah ee ku nool dalkaasi ee ku yaalla Koonfur Bari Asia ay “100 mar ka xuquuq badan yihiin” Muslimiinta laga tirada badan yahay ee India.

Ka hadalka arrimaha jinsiga iyo diinta ayaa xasaasi ka ah Malaysia, oo ah dal Muslimiinta ay yihiin 60% ee 32-ka milyan ee ku nool. Inta soo hartay ayaa badankood ah Shiinees iyo Hindi badankood ah Hindus.

Wasiirada Malaysia ayaa sheegay in hadalka Zakir laga yaabo in looga dan lahaa in xiisad looga dhex abuuro Muslimiinta iyo kuwa aan Muslimka ahayn ee Malaysia. Sheekh Zakir waa uu beeniyey eedeymahaas.

“Waxaan caddeenay mowqifkeena, waana in tallaabo la qaadaa, oo Zakir Naik aan loo ogolaan inuu sii joogo Malaysia” Waxaa sidaas bayaan uu soo saaray ku yidhi wasiirka is-gaarsiinta Malaysia Gobind Singh Deo.

“Ra’iisul wasaaraha waa uu dhageystay walaaceena. Isaga ayey u taallaa inuu mowqif qaato oo sida ugu dhaqsiyaha badan go’aan uga gaaro waxa lagu xalin lahaa dhibaatadan” ayuu yidhi.

Wasiirka shaqada iyo shaqaaleynta M. Kulasegaran iyo wasiirka biyaha, macdanta iyo kheyraadka dabiiciga ah Xavier Jayakumar, ayaa iyagana ka dalbaday ra’iisul wasaare Mahathir Mohamad in la eryo Sheekh Zakir Naik.

“Ammaantii aan dowladda Malaysia ugu jeediyey sida Islaamiga ah ee wanaagsan ee ay ula dhaqanto dadka Hindus-ka ee laga tirada badan yahay ayaa si kale loo beddelay ayada oo dan siyaasadeed laga leeyahay” ayuu Sheekh Zakir ku yidhi bayaan uu soo saaray.

Wakaaladda warraka Malaysia ee Bernama ayaa kasoo xigatay ra’iisul wasaare Mahathir inuu sheegay in Zakir aan dib loogu celin karin Malaysia sababo al xidhiidha amnigiisa.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.