Xasan Sheekh Maxamuud Oo Ka Qayb Galay Fadhigii Golaha Baarlamaanka Somaliya.

Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda federaaliga ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka qayb-galay fadhigii baarlamaanka ee looga hadlaayey xeer hoosaadka baarlamaanka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ah Madaxweynihii 8aad ee Somaliya yeelato sida uu qabo dastuurku marka uu xilka ka dego waxaa loo dhaariyey Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Federaalka inta ka dhiman noloshiisa.

Xasan Sheekh ayaa dib ugu soo laabtey fagaaraha siyaasadda waxaana uu guddoomiye kumeel gaar ah u noqdey Xisbi cusub oo ay ku midoobeen xisbiyo badan oo horey Muqdisho uga dhisnaa.

Maalinta Khamiista ah ayaa lagu wadaa in Xisbigu yeesho shirweynihiisi kaas oo lagu daah furaayo ujeedooyinka Xisbiga.