Somaliland: Natiijada Imtixaanka Shahaadiga ah Oo Lagu dhawaaqay, Ardayda Gudubtay Iyo Kuwa Dhacay

Somaliland: Natiijada Imtixaanka Shahaadiga ah Oo Lagu dhawaaqay, Ardayda Gudubtay Iyo Kuwa Dhacay

Ethiopia Oo Lacago Daymo Ah Urursanaysa
Isreal Oo Hindiya Ka Caawinaysa Biyo Yarida Haysata
Dubai Oo Sanad Kasta Qabata Alaabo Been Abuur Ah Oo Qiimaheedu Dhan Yahay $17 Million
Maxaa Ka Soo Kordhay Weerarkii Saaka Ee Srilanka ?
Faahfaahin: Laba Guddoomiye Degmo Oo Ku Dhintay Qarax Iyo Duqii Muqdisho Oo Dhaawac Ah

Hargeysa (HCTV) – Xafiiska Imtixaannaadka Qaranka Somaliland, ayaa Maanta ku dhawaaqay Natiijada imtixaannaadka Qaranka ee Fasallada 8-aad ee dugsiyada dhexe iyo Fasallada 4-aad ee Dugsiga sare.

Guddoomiyaha Xafiiska Imtixaannaadka Qaranka Somaliland, Daa’uud Axmed Faarax oo ay hareero fadhiyaan Wasiirka Wasaaradda waxbarashada Somaliland, Agaasimaha guud ee Wasaaraddaasi iyo Masuuliyiin kale oo ka mid ah Wasaaraddaasi, ayaa sheegay inay Imtixaanka Fasalka 8-aad ee Dugsiga dhexe ay sannadkan u fadhiisteen, 19,874 Arday isla-markaana ay gudbeen 17,038 Arday, halka ay ka dhaceen, 2,562 Arday, waxaanu sheegay inay Imtixaanka aanay gelin 274 Arday oo ka habsaamay.

Dhanka kale, Imtixaannaadka Fasallada 4-aad ee Dugsiyada Sare ayuu Guddoomiye Daa’uud Axmed Faarax uu sheegay inay u fadhiisteen Arday Tiradoodu gaadhayso 9,691, waxaana gudbay 8,787 Arday, halka ka dhaceen 723 Arday, taasina waxay ka dhigan tahay ayuu sheegay Daa’uud Axmed Faarax inay sannadkan gudbeen dalka oo dhan 92% Arday.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka

 

 

COMMENTS

%d bloggers like this: