Dawladda Suuriya Oo Diyaarad Dagaal Laga Soo Riday

Suuriya (HCTV) – Diyaarad dagaal oo ay lahayd Dawladda Suuriya ayaa lagu soo riday Gobolka Idlib.

Dawladda Suuriya ee Ruushku taageero ayaa Xayirtay Magaalo Muhiim ah oo ka mid ah Gobolka Idlib, ka dib dagaal culus oo ku dhex maray Jabhadaha Mucaaradka ku ah, kuwaasi oo ah kuwa Diyaaradda ka soo riday.

Jabhadda Hay’et Tahrir al-Sham oo ah ta ugu awoodda badan Jabhadaha Islaamiyiinta ah ee ka soo horjeeda Dawladda Suuriya ayaa Arbacadii Sheegtay in dagaaleyaashooda ay soo rideen diyaarad Jet ah oo Magaceedu yahay Sukhoi 22, taasi oo ay sheegeen inay ka soo kacday Saldhigga Cirka ee Gobolka Homs.

Muhammad Rashid  oo ka tirsan Ciidamo lagu Magacaabo Nasir oo qayb ka ah jabhadda National Liberation Front ee Idlib ayaa Wakaaladda Wararka ee Anadolu u sheegay in diyaaradda la soo riday ay bar-tilmaameedsanaysey Ciidammada Cirka ee Jabhaddooda oo sugan Magaalada al-Tamanah oo Koonfurta Idlib ah.

Urur fadhigiisu yahay Ingiriiska oo la socda dhacdooyinka xuquuqda aadamaha lidka ku ah ee ka dhaca Suuriya, ayaa sheegay in diyaaradda la soo riday loo adeegsaday Hub faro badan oo nooca daran-darooriga u dhaca ah.

Wakaaladda Wararka Dawladda Suuriya ee SANA oo soo xiganaysa Sarkaal ka mid ah Millateriga ayaa xaqiijiyey in diyaarad laga soo riday Ciidammada Suuriya.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka