Sucuudiga Oo $ 75 Billion Ku Maalgelinaya Hindiya, Xilli La Dhibaataynayo Muslimiinta Kashmir

India (HCTV) – Dawladda boqortooyada Sucuudi Carabiya ayaa waxay $75 Billion dollar ku Maalgelinaysaa gudaha Dalka Hindiya, iyadoo is-diidsiinaysa ama iska indho-tiraysa xaqiiqada waxa Hindiya wakhtiga xaadirka ah ka jira iyo Dulmiga lagu hayo Muslimiinta Kashmiir.

Saudi Arabia ayaa ogolaaday inuu Maal-geshigii ugu weynaa ee uu dalka dibeddiisa ka sameeyo ka hirgelinaya dalka Hindiya, Maalmo uun ka dib markii Hindiya ay Xayiraadda saartay Gobolka Kaahsmiir ee Muslimiintu ka nool yihiin, isla-markaana ay Ciidammada Hindiya ka bilaabeen Hawl-gallo xuquuqda Muslimiinta lid ku ah, iyagoo ka tallaabsanaya qodobka 370-aad.

Sida uu daabacay Wargeyska Financial Times, Shirkadda Shidaalka ee Sucuudiga ee Magaceeda loo soo gaabiyo Aramco ayaa ogolaatay inay 20% Maal-gashato Saamiga Shirkadda Saliidda ee Hindiya.

Laakiin, Muslimiinta Adduunka oo dhan ayaa cadho ka muujiyey in Sucuudigu uu iskaashi la yeesho Hindiya.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka