Is-rasaasayn Ka Dhacday Xadka Kashmir Oo Lagu Dilay 3 Pakistaniyiin Ah Iyo 5 Askari Oo Hindiya

Kashmir, (HCTV) – Ugu yaraan saddex Pakistaniyiin ah iyo shan askari oo ciidamada Hindiya tirsan ayaa lagu dilay tacshiiradd la isku waydaarsaday xadka gobolka lagu muransan yahay ee Kashmir, sida ay sheegeen Ciidamada dalka Pakistan.

Major General Asif Ghafoor, oo ah afhayeenka ciidamada Pakistan ayaa qoraal uu soo dhigay Twitter-ka maanta ayaa sheegay in ciidamada India ay sii kordhiyeen rasaasta ay ku soo ridayaan xariijinta xadka lagu muransan yahay ee Leepa Valley.

“Rasaasta la isweydaarsanayo ayaa sii socota,” ayuu ku yidhi qoraalka uu soo tweet-gareeyey Ghafoor.

Wakaalada Wararka ee dalka Hindiya ANI ayaa iyaduna maanta oo khamiis ah Twitter-ka ku soo qortay in Ciidamada Hindiya ay beeniyeen warka ka soo baxay ciidamada Pakistan ee sheegaya in shan askari oo Hindiyaan ah la dilay, arintaasina ku tilmaamay mid xadgudub ku ah xabadjoojinta.

Ciidamada Bileyska ee ku sugan Kashmir qaybta ay Pakistan maamusho ayaa u sheegay warbaahinta Al-Jazeera Oo HCTV ka soo xigtay warkan in laba shacab ah sidoo kale lagu dilay rasaasta la isweydaarsaday.

Xiisada ayaa isa soo taraysa tan iyo intii xurgufta u dhaxaysa labada dale e jaarka ahi ay cirka isku shareertay markii Hindiya ay laashay sharcigii ismaamulka gaarka ah ee Kashmir qaybta Hindiya hoostagta.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.