Markabkii Iran Laga Qabsaday Oo La Sii Daayey

Gibraltar, (HCTV) – Maxkamada Sare ee Gibraltar ayaa xukuntay in Markabkii saliida siday ee dalka Iran uu fasax u haysto inuu shiraacdo, waxyar ka dib markii dawlada Maraykanku ay codsatay in la qabto markabkaasi.

Markabka Grace 1 ayaa waxa xeebta Gibraltar ku qabsaday Ciidamada Badda ee Britain bishii July 4-teedii, kuwaas oo uga shakiyey inuu sido Saliid qaydhin oo Iran leedahay oo ku sucotay Syria oo jabinayey cunaqabatayntii Midawga Yurub ay saareen Madaxweynaha dawlada Suuriya Bashar al-Assad.

Waxaana xiligaasi dawladda Iran ay gaashaanka ku dhufatay eedahaasi oo ay ku tilmaantay qabsashada markabkaasi ‘fal budhcad baddeednimo”.

Gudoomiyaha Maxkamada Sare Anthony Dudley ayaa sheegay tan iyo intii Iran ay xaqiijisay in Markabka the Grace 1 “aanu ujeedadiisu ahayn inuu ku xadgudbo cunaqabataynta Midawga Yurub…..sidaa darteedna aanay jirin sabab intaa ka sii badan oo lagu sii haysto Markabkaasi oo aanay meesha oolin.”

Waxaanu intaasi ku daray in maxkamadu aanay helin wax qoraal ah oo Maraykanku uu ku codsanayo in loo xidho markabkaasi.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.