Ciidamada Ammaanka Oo Howlgallo Ka Sameeyay Muqdisho.

Ciidamada ammaanka  dowladda Soomaaliya ayaa xalay howlgallo ballaaran ka sameeyay xaafado ka tirsan magaalada Muqdisho.

Howlgallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxa ay Ciidamadu ka sameeyeen degmooyinka Yaaqshiid, Deyniile, Howlwadaag iyo Heliwaa ee gobolka Banaadir.

Waxaana howlgalladaasi qeyb wyen ka ahaa mas’uuliyiin ka tirsan maamullada degmooyinkaasi.

Qaar ka mid ah saraakiisha hoggaamnineysa howlgalladaasi oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in u jeedka uu ahaa xaqjiijinta amniha M/Muqdisho.

Hawlgalka ay Ciidamada amanku ka sameeyeen degmooyinkaasi ayaa ku soo beegmaya ,iyada oo habeen hore  kulan lagaga hadlayo arrimaha amaanka Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya uu dhexmaray Raysal Wasaaraha Soomaaliya, Sarkiisha Ciidamada Iyo Madaxda  kala duwan ee Gobolka Banaadir.

FAALLOOYIN & FALCELIN