Ciyaaryahanka Roger Federer Oo Sheegay In Hooyadii Ay Ka Soo Jeedo Qaarada Afrika

Ciyaaryahanka Roger Federer Oo Sheegay In Hooyadii Ay Ka Soo Jeedo Qaarada Afrika

Xiddiga Kubbada Teniska ee u dhashay wadanka switzerland Roger Federer ayaa socdaal rasmi ah ku tagay wadanka Zambia.

safarka Ciyaaryahankan oo ku soo beegmaya xilli ay u qorshaysan tahay in uu dhawr wadan oo ku yaala Galbeedka afrika socdaalo ku soo maro ayaa waxa qaabilay Madaxweynaha Waddanka Zambia  Edgar Lungu.

 

ciyaaryahankan oo ujeedada socdaalkiisan uu wakhtigan ku marayo wadamada galbeedka afrika lagu sheegay in uu ku damacsan yahay in uu ka caawiyo caruurta wadamadaas dhinaca waxbarashada ayaa sidoo kale waxa uu halkaasi ka hir gelin doono xarun lagu baran doono ciyaaraha fudud taas oo ay hir gelin doonto ururkiisa lagu magacaabo Roger Federer Foundation (RFF), mana ah oo keli ah ciyaaraha fudud, hasayeeshee waxbarashada ayaa iyana ku jirta meelaha uu diirada saari doono.

“Waxa aan qasriga madaxtooyadda Kula kulmay xiddiga dunida ee ciyaarta Tennis Roger Federer isaga iyo ururkiisuba waxa ay ku sugan yihiiin dalka waxaana qorshahoodu uu yahay sidii ay kor ugu qaadi lahaayeen adeegyadda waxbarashada caruurta” ayuu yidhi madaxweyneha wadanka Zambia

Warkan oo aanu ka soo xiganay wakaalada wararka u faafisa wadanka Zambia ayaa intaasi ku daraya in sidoo kale ciyaaryahan Roger Federer oo isna ka hadlayay socdaalkiisa qaarada afrika ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay waxaanu yidhi “Waxa aan ku faraxsanahay in aan imaado qaarada afrika, waan jecelahay qaarada, Maxaa Yeelay Hooyaday ayaaba ka soo jeeda” ayuu yidhi

FAALLOOYIN & FALCELIN