Dad ku Dhintay Shil Diyaaradeed Oo Ka Dhacay Dalka Georgia.

Image result for Georgia : US C-130, Military-ga

Sagaal Qof ayaa ku geeriyootay shil Diyaaradeed oo ka dhacay meel ku dhow Garoonka Diyaarada Magaalada Savannah ee Dalka Georgia.

Shilkan ayaa yimid markii uu si lama filaan ah Dab ku qabsaday Diyaaradda, iyadoo mar qura uu hareeyay Qiiq iyo uuro madoow, sida ay sheegeen Dad ka ag dhawaa goobta ay Diyaaraddu ku bur-burtay.

Diyaaraddan oo uu nooceedu ahaa , US C-130, ayaa waxaa lahaa Military-ga Dalka Maraykanka, waxaana halkaasi ku Naf waayay Shan xubnood oo shaqaale ahaa iyo Afar ka tirsanaa Rakaabka Diyaaradda sida uu sheegay Afhayeen u hadlay Dowladda Georgia.

Maj. Paul Dahlen oo ah Madaxa ilaalada Qaranka ee Jaziirdadda Puerto Rico ayaa u sheegay Taleefishinka CNN in Diyaaraddu ay ku sii socotay Gobolka Arizona, halkaas oo uu ku yaallo saldhig ay leeyihiin Ciiamada Cirka ee Maraykanka.

Sonna

FAALLOOYIN & FALCELIN