Garsoore Craig Pawson Oo Qaban Doona Ciyaarta Saaxiibtinimo Ee …

Garsoore Craig Pawson Oo Qaban Doona Ciyaarta Saaxiibtinimo Ee …

Garsooraha ka howl gala horyaalka Premier League ee Craig Pawson ayaa loo doortay in uu dhex dhexaadiyo ciyaarta caawa dhexmari doonta xulalka Nigeria iyo Serbia.

Qaban qaabiyayaasha kulanka saaxiibtinimo ee Nigeria iyo Serbia ayaa wargeyska Daily Post oo dalka Nigeria ka soo baxa u xaqiijiyay in Craig Pawson ay caawin doonaan garsoorayaal kale oo England ka howl gala.

Garsoorayaasha lagu magacaabo Simon Bennett iyoIan Hussin ayaa calanka wadi doona, halka Stuart Atwell loo doortay sargaalka afaraad ee ciyaarta Nigeria iyo Serbia.

Craig Pawson oo ah 39 jir ayaa horyaalka Premier League ka shaqeynayay tan iyo sanad ciyaareedkii 2013.

Pawson ayaa sargaalkii afaraad ciyaartii 2015 ka dhacday Wembley oo dhexmartay Chelsea iyo Tottenham isla markaana ahayd kama danbeysta EFL Cup-ka.

Xidigaha lagu naaneyso Super Eagles ee Nigeria ayaa doonaya in caawa ay gaaraan guushoodii sadexaad oo xiriir ah kulamada saaxiibtinimo, tan iyo markii ay iska xaadiriyeen dhacdada xagaaga lagu qaban doono Ruushka ee 2018.

FAALLOOYIN & FALCELIN