Macron oo Dalbaday In Ciidammada Maraykanku Aysii Joogaan Suuriya

Emmanuel Macron ayaa difaacay weerarka ay qaadeen

Iyada oo Madaxweynaha Dalka Maraykanka Donald Trump uu Bishan Gudaheeda ku dhawaaqay in ciidammada Maraykanku ay si dhakhso ah uga baxayaan Suuriya ayaa Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron waxa uu sheegay in uu madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ka dalbaday in aanu Ciidamadiisa halkaasi kala Bixin isla Markaana uu ku qanciyey inay Mudo halkaasi sii Joogaan.

Wadamada  Maraykanka, UK iyo Faransiiska ayaa Waxay Todobaadkan Gudihiisa Weeraro ka gaysteen Weeraro lagu bartilmaameedsaday goobo ay dawladda Suuriya leedahay.

Dhanka kale Sarah Sanders oo ah afhayeen u hadashay Aqalka Cad ayaa sheegtay in aanay waxba iska badalin fikirkii madaxweynaha, aragtida madaxweynuhuna ay caddahay isla markaana  uu doonayo in ciidammada Maraykanka ee ku sugan halkaasi ay ku soo Noqodaan dalkooda Hooyo.

Sidoo kale Afhayeenka ayaa waxa ay Carabka ku dhufatay inaan marnaba dawladda Maraykanku aanay Joojin Doonin weerarada lagu qaadayo ee Al Qaacida Iyo Kooxada la baxaday Dawladda Ismaaka ee Daacish.

FAALLOOYIN & FALCELIN