Madaxweynaha Soomaaliya oo Dalka Dib Ugu Soo Laabtay

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qeyb galay shir-madaxeedka dalalka xubnaha ka ah Jaamacadda Carabta oo ka dhacay magaalada Al-Dahraan ee Boqortooyada Sucuudiga ayaa saaka dalka dib ugu soo laabtay.

Madaxweynaha ayaa intii uu shirku socday waxa uu la wadaagay madaxda Carabta, guulaha la taaban karo ee Soomaaliya ay ku tallaabsatay muddadii la soo dhaafay iyo qorshayaasha ay muhiimka tahay in walaalaha Carbeed ay kala shaqeeyaan Dowladda Federaalka Soomaaliya, si ay qeyb uga noqdaan dib-u-kabashada Soomaaliya.

Waxa kale oo uu Madaxweyanaha Soomaaliya ka hadalay  muhiimadda ay leedahay midnimadu iyo wadajirku, maadaama marxalad adag ay ku jirto mandiqaddu, sida kaliya ee looga gudbi karana ay tahay isku duubni iyo in la ixtaraamo dal kasta madax-bannaanidiisa iyo karaamadiisa.

 

FAALLOOYIN & FALCELIN