Nikki Haley”Ciidamada Mareynkanku ka Baxaan Suuriya ”

Related image

Safiirka Mareynkanka ee Qaramada Midoobay Nikki Haley,ayaa sheegtay in Ciidamada Mareynkanka aanay ka bixi doonin dalka Suuriya ilaa laga dhameystiro ujeedada Xukuumada Washington ka leedahay Suuriya.

“Waa hadafkeennu” inaan aragno ciidamo Maraykan ah oo dib dalkooda ugu soo laabtay, laakiin ma doonayno inaan baxno ilaa aan ka ogaanno inaanu fulinay Ujeedkeena,” ayay tidhi Nikki Haley

Haley ayaa oo waraysigan Gaarkaha Siisya Fox News ayaa sheegatay Saddexda ujeedo ee ay tahay inuu Mareynkanka ka gaadho xaaladda Suuriya si uu ciidamadiisa ugala baxo waxay tahay marka hore in “Mareynkanka uu hubiyo in Hubka Kiimikada loo adeegsan si kasta oo Qatar gelin kara danaha Mareynkanka,in laga adkaado Kooxda Islaamiga loo yaqaano ISIS iyo iney helaan hab wanaagsan oo meel sare kaga eegaan waxay Iiraan sameyneyso.

Dhanka kale Safiirka Mareynkanka ee Qaramada Midoobay Nikki Haley ayaa sheegtay in Mareynkanka uu diyaariyay cunaqabateyn cusub oo ka dhan ah Ruushka taasi oo ku saabsan taageerada uu siiyo madaxweynaha Suuriya Bishar Al-Assad.

FAALLOOYIN & FALCELIN