Ruushka Iyo Xulafadiisa Oo Ka Jawaabay Duqayntii Suuriya.

.

Dawladda Ruushka ayaa  oo ka hadashay duqaymaha Maraykanka Iyo Xulafadiisu ay ka fuliyeen gudahada dalka Suuriya,Waxana uu sheegay in cawaaqib ka dhalan doonaan weerarka lagu qaaday Suuriya.

Wasaaradda arimaha dibadda ee Ruushka ayaa iyaduna sheegtay in weerarkani dhacay iyada oo fursad ay Suuriya nabadi kaga dhalan kartaa soo dhawaatay.

Saraakiil Ruush ah oo Moscow joogaya ayaa sheegay in gantaalaha Suuriya lagu duqeeyey ku dhaceen meelo u dhaw goobo ku dhaw meelaha fadhiisimada u ah ciidamada Ruushka ee ku sugan Suuriya oo ay yaallaan gantaalaha difaaca cirku.

Xukuumadda Suuriya iyo Iran oo ah dal ay gacan saar leeyihiin ayaa iyaguna sheegay in weerarada wada jirka ah ee dalkaa lagu qaaday yihiin kuwo xad gudub ku ah sharciga caalamiga ah.

Xukuumada Wadanka Iran ayaa Maraykanka iyo xulufadiisa ka soo hor jeedsatay waxana ay sheegtay inay igu qaadi doonaan Masuuliyada Iyo cawaaqib Xumada dhalata arrintaasi.

Wararka Dheeraad ka ah  ee laga helayo arrintaasi ayaa ku waramaya  in weerarka lala beegsaday xarunta cilmi baadhista Dimishiq uu khasare kooban gaadhsiiyey goobtaa, hase yeeshee ay weeradda Xums ku dhaawacmeen saddex qof oo rayid ahi.

FAALLOOYIN & FALCELIN