Wada Hadal u Bilaabmay Soomaaliya Iyo Imaaraadka

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo Waraysi siiyey Idaacadda VOA ayaa waxa uu ka hadalay , wadahadlo la sheegay inya u bilaabmeen dawladaha Soomaaliya Iyo Imaaradka Carabta, kuwaasi oo Mudooyinkii u danbeeyay uu xidhiidhkoodu sii xumaanayey.

Wasiir Cawad ayaa sheegay in Madaxda labada Dal oo Sacuudiga ku sugan ee ka wada qeyb galayn shirkii 29-aad ee Madaxda Jaamacadda Carabta ay toos ugu wada hadlayaan Xurgufta ka dhaxeysa waxaana la filayaa in ay meel isla dhigaan xiisadooda siyaasadeed.

Wasiirka ayaa Meesha ka saaray Wada Xaajood laga dhex wado labada labada dal, balse waxa uu sheegay in uu u socdo wada hadal aanu sheegin xiliga uu ku eg yahay.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise  ayaa mar la weydiiyay Go’aankii Imaaraadka ay ku joojisay Kaalmadii ay sii neysay iyo Tababarkii Ciidamada Dowladda ayaa waxa uu sheegay in aanan wali warkaasi gaarin oo aanan ka war heyn.

Soomaaliya iyo Imaaraadka ayaa waxaa ka dhax taagan xiisad siyaasadeed oo aad u culus taas oo saameyn balaadhan ku yeelatay xidhiidhka labada Dowladood, waxaana wararkii ugu dambeeyay ay sheegayaan in Imaaraadka uu joojiyay Kaalmadii Soomaaliya iyo Tababarkii Ciidamada Dowladda.

FAALLOOYIN & FALCELIN