Wasiir Bayle oo Wada Qorsho Soomaaliya Lacag Cusub Loogu Sameynaayo.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. C/raxmaan Ducaale Bayle ayaa kulamo la qaadanaya Madaxda Hay’adda lacagta aduunka IMF iyo Banka aduunka.

Bayle ayaa hay’adahaasi u bandhigaya hannaanka Maaliyadeed ee Soomaaliya iyo isbadalada lixaadka leh ee ay samaysay Wasaarada uu madaxda uu ka yahay, Wasiir Beyle ayaa ka hadlaya mas’uuliyiinta uu la kulmayo sidii Soomaaliya loogu saacidi lahaa mashaariic dib u kabasho ah inta uu socdo hannaanka lacagaha daymaha ah looga cafinayo.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Dr. C/raxmaan Ducaale Bayle ayaa madaxda Bankiga aduunka iyo IMF waxa uu kala hadlay  qoreshe la doobayo in soomaaliya loogu daabaco lacag Cusub, taas oo Wasaaradda Maaliyaddu Soomaaliya doonayso in la hirgaliyo sanadkan 2018-ka.

FAALLOOYIN & FALCELIN