Wasaarada Ciyaaraha Soomaaliya Oo Ka Jawaabtay Eedaymo Loo Soo Jeediyey.

Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Soomaaliya ayaa ka hadashay Wararkii sheegayay qaarkoodna baraha Bulshada lagu soo faafiyey ee ahaa in la dayacay xulka 17-jirada Soomaaliya.

Khadiija Maxamed Diiriye Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in Ciyaartoyda aysan aheyn kuwo Xabsi ku jira,isla markaana Magaalada halkii ay doonaan ay ka mari karaan.

Waxa ay sheegtay in Caruurtaas Iskuulkii ay dhiganayeen fasax laga soo qaaday iyo sidoo kale Waalidintooda,isla markaana aanay mudneyn in la yidhaahdo maxaa saas loo yeelay,iyada oo ku baaqday in laga Shaqeeyo horumarka Ciyaaraha dalka.

Ciyaartoyda Xulka 17-jirada dalka Soomaaliya ayaa maalma kahor waxaa masuuliyiin ka tirsan dowladda ay ku soo dhaweeyeen Magaalda Muqdisho,iyaga oo dalka Burundi kaga soo qeyb galay tartanka bariga iyo Bartamaha Afrika.

FAALLOOYIN & FALCELIN