Wasiirkii Ka Tirsan Xukuumada Soomaaliya Oo Iscasilay

Waxaa goor dhow ku dhawaaqay in uu iscasilay Wasiiru dowlaha Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed kaas oo iscasilaadiisa ku tilmaamay in uu taagan yahay qabashada xilka Guddoonka Golaha Shacabka.

Gudida qaban qaabada doorashada Guddoonka Golaha shacabka ayaa hore u sheegtay in wasiirkii doonaya in uu u tar tamo xilkaas marka hore ku war geliyay in laga doonayo in ay iscasilaan.

Maanta oo Isniin ah ayaa waxaa bilaabanaya is-diiwaan gelinta musharaxiinta u taagan Guddoonka Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, taas oo ku eg berri.

30 bishan ayaa waxa loogu talo galay in la qabto doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

FAALLOOYIN & FALCELIN