Weerar lagu Qaadayciidamada Nabad Ilaalinta QM ee Mali

Image result for The United Nations peacekeeping force in Mali

Koox hubaysan ayaa lagu soo waramayaa inay weerar ku qaaday laba saldhig oo ciidamada nabad ilaalinta ee Qaramada Midoobay leeyihiin oo ku yaalay  dalka Mali.

Weerarkan ayaa waxaa ku dhintay askari ka tirsan ciidamada nabad ilaalinta waxaana ku dhaawacmay in ka badan 20 kale.

Afhayeen u hadlay howlgalka Qaramada Midoobay ee Mali ayaa sheegay in weerrarka uu ahaa mid oo culus,kaasi oo laysu adeegsaday hubka Noocayadiisa kala dawan, sida hoobiyeyaasha iyo walxo kale oo qarxa.

Wararka dheeraadka ah ee laga helay arrintaasi  ayaa sheegaya in albaabka hore ee Saldhigaasi lala beegsay qarax, kaasi oo khasaare sababay.

ciidammada nabad ilaalinta ee Qaramada Midoobay ayaa dalka Mali u jooga hawlo nabad ilaalineed, kuwaasi oo dagaal kula jira kooxo argagixiso ah oo xidhiidh laleh urur weynaha Al Qaacidda.

FAALLOOYIN & FALCELIN