Axmad Shide Oo Loo Doortay Gudoomiyaha XDSHSI

daadax.jpg

ADDIS ABABA : Golaha dhexe ee Xisbiga Dimuqraadiga Shacabiga deegaanka Soomaalida (XDSHSI) oo maalmihii ugu dambeeyay ku shirsanaa magaalada Addis Ababa ayaa   Gudoomiye u doortay  Axmad Shide oo ah wasiirka xidhiidhka dowladda  Federaalka EThiopia.

Warbaahinta dawladda Ethiopia ayaa  Baahisay  wabixin  tilmaamaysa in Axmed shide loo doortay Gudoomiyaha Xisbiga D.SH.S.I

warbixinaha shirkaasi laga helayo ayaa sheegaya  Isla Markiiba Axmed shide uu  magcaabay Gudi farsamo oo ka shaqayn doona in shirwaynaha xisbiga lagu qabto magaalada Jigjiga.

Xilka gudoomiyaha XDSHSI waxaa hayay  Madaxwaynihii hore ee deegaanka soomaalida Ethiopia Cabid M axamuud Cumar   maalmo ka hor xilkaasi qabtay kadib markii uu iska casilay xilka Madaxwaynaha oo uu hayay ku dhawaad 10 sano.

Doorashada Axmed Shide ayaa noqonaysa Isbedelkii ugu waynaa ee siyaasad ahaan ka dhaqan gala deegaanka soomaalida.