Shirkadda Microsoft Oo Fashilisay Weerar Dhinaca Internet Oo Uu Ruushka Ku Soo Qaaday Maraykanka

Shirkadda Microsoft ayaa waxay sheegtay weerar dhinaca Interneetka ah oo Mareykanka lala damacsanaa iney fashilisay

Shirkaddu waxay sheegtay iney dad ka soo jeeda Ruushka ay damceen iney jabiyaan computarro ay leeyihiin hay’ado siyaasadeed, oo ay ka mid yihiin keydka machadka Jamhuuiga ee caalamiga ah iyo Machadka Hadsan oo laga leeyahay dalkaasi Mareykanka.Balse ay fashiliyeen khubaradooda dhinaca ammaanka gacanta ay ku dhigeen lix ciwaanno oo boogga shirkadda la sii marin rabay.Waxayna shirkadda Microsoft ay sheegtay weerarka iney ka dambeeyeen koox la yidhahdo Fancy Bear hacking group oo ka shaqeeyo iney jabsadaan bogagga iyo keydka shirkadaha iyo hay’adaha oo dalkaasiRuushka laga leeyahay.Xakameynta domain-ada internetkaShirkaddu waxay fahfaahin ka bixisay blog-yada arrintan ku saabsan waxayna sheegtay “iney kawalwalsan tahay inuu iskaashi iyo dadaal kale ay ka dhalan karaan hanjabaado dhinaca ammaanka ah oo dhammaantood la xidhiidha xisbiyada siyaasadeed ee Maraykanka oo ku lug lahaa doorashooyinka 2018-ka,”Taasoo dadka u sahleysa in ay soo booqdaan domainada qolooyinka wax jabsanaya oo ay xadaan macluumaadka la xidhiidha furaha ay dadka ku galaan Computrradooda.Weerarrada la fashiliyey, laba ka mid ah waxay la xidhiidhaan xafiiska aqalka sare ee Mareykanka. Mid ka mid ahna waxaa lagu arkay iyaga oo u sii marayo barnaamijyada Microoft office ee 365.Ruushka ayaa ku gacan seydhay eedda shirkadda Microsoft ay dusha ka saartay. Dibloomaasi dalka Ruushka ka soo jeeda ayaa wuxuu Interfex news uu u sheegay Shirkadda Microsoft iney u dhaqmeyso sida dambi baadhe halka la rabay iney u dhaqanto sida ay u dhaqmaan shirkadaha ganacsiga ee la midka ah.“Qof dibloomasi ah oo aan magaciisa la shaacin.” ayaa wuxuu sheegay, “Microsft waxay ku jirtaa ciyaar siyaasadeed, Doorasho Mareykanka hadda ka socoto ma jirto balse, waxaa weli taagan eedeymo loo soo jeedinaya Ruushka.Wargeyska New York Times ayaa wuxuu ku tala bixiyey qolooyinka combuutarrada jabsanaya iney xoogga saareen taageerayaashi hore ee madaxweyne Trump, balse arrintu hadda waxay lagama maarmaan ka dhigeysaa in loo baahan yahay in la qaado tallaabbooyin kale oo Ruushka cunaqabateyn lagu saarayo.Agaasimaha machadka caalamiga ee Jamhuuriga oo ay ka mid yihiin Senator John McCain iyo madaxa shaqaalaha ee machadka McMaster waxaa horraanti sanadkan loo beddelay lataliyaha amniga qaranka ee aqalka cad.Madaxa IRI Daniel Twining wuxuu wargeyska Time uu u sheegay inuu weerarka yahay mid joogta ah uuna yahay “olola faragelineed”, oo ay Kirimlin cadeysatay.Lahaanshaha sawirkaCROWDSTRIKEImage captionMid ka mid ah shirkadaha astaanta loo saaray weeraraadaasiMadaxa shirkadda Microsoft Brad Smith ayaa wuxuu sheegay cinwaanka ‘dodogy’ in 12 jeer sanadkan oo keli la xidhay iyada oo ay sabab u ahaayeen cinwaanno ay lahaayeen Fancy Bear oo ah qoloda wax jabsata.Wuxuuna intaa ku daray, ilaa hadda inuusan wax caddeyn ah u haynin in cinwaannadaasi loo adeegsaday weerarrada.Balse cinwaannada ay shirkaddu qabatay ee doorashada 2016-ka ka dhacday Mareykanka iyo Doorashadi Faransiiska ka dhacay 2017-kii waxaa ka mid ah cinwaanka “mirrors”.Tillaabada Microsoft ayaa waxay ku soo beegantay kaddib marki uu Maraeykanka uu dacwad ku soo oogay 12 sargaal oo ka tisran laanta sirdoonka Ruushka, iyaga oo lagu soo eedeeyey iney jabsadeen khadka ay isticmaaleysay Hillary Clinton iyo xisbiga dimuqraadiga.Ruushkana wuxuu marar badan uu diiday eeddaasi loo soo jeediyey ee la xidhiidha weerarki lagu qaaday doorashada Mareykanka iyo Hay’ado kale oo laga leeyahay dlkaasi.