Hay’adda Human Rights Watch oo War ka Soo Saartay xariga Cabdi Maxamuud Cumar

Iyadoo maalintii shalay xabsiga loo taxaabay madaxweynihii hore ee dowlad deegaan-ka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar, ayaa waxaa arintaa markii-ba si deg deg ah uga jawaabtay hay’adda Xuquqda Aadanaha ee Human Rights Watch oo soo dhaweysay xariggiisa.

“Waxaan rajeynayaa, in xadhigga Cabdi Maxamuud Cumar uu bilow u noqdo cadaallad u raadinta dhibanayaasha iyo dembiyada culus ee ka jira gobolka Soomaalida ee Itoobiya, waxaa in ay madaxda federaalku hubiyaan in maxkamdeyntu noqonto mid hufan, marqaati furayaasha-na awood u heli karaan iyaga oo aan cabsan n ay ka hadlaan gafafkii dhacay’’ ayuu yiri lagu yiri warbixin ay soo saartay hay’adda.

Hay’adda ayaa horay Cabdi Maxamuud Cumar iyo saraakiisha ciidamada Liyuu Booliiska ee gobolka ku eedeysay in ay ku kaceen gabood falo ka dhan ah Xuquuqda Aadanaha, waxaana ay ka codsatay dowladda dhexe ee Itoobiya in arintaa tallaabo deg deg ah laga qaado.

Ra’iisal wasaaraha Itoobiya ayaa dhankiisa sheegay in uu rumeysan yahay in masuuliyiintii hore ee DDSI iyo ciidamada ay dil iyo jirdil u gaysteen dad rayid ah, midaasina lagula xisaabtamayo, cadaaladana loo horkeeni doono.

Cabdi Maxamuud Cumar ayaa xiriir weyn iyo gacan-saar dhaw-ba la lahaa xukuumaddihii hore ee  Itoobiya, hasse ahaatee waxaa muuqatay in uu la jaan-qaadi waayay maamulka cusub ee uu hormuudka ka yahay Abiy Ahmed iyo isbadallada guud ahaanba ka socda dalka Itoobiya, taasoo soo kicisay xanuunka nabaro horey u jiray.

Source Hiiraan