Paul Scholes Oo Weeraray Jose Mourinho

Halyeeyga Man United Paul Scholesayaa si toos ah u weeraray Jose Mourinho kuna tilmaamay inuu ceebeeyay kooxda kadib markii ay barbaro la galeen Valencia kulankii ka tirsanaa koobka horyaalada yurub ee Champions League.

Mourinho ayaa cadaadiska uu kusii kordhayaa mudooyinkii ugu dambeeyay, afar kulan oo xiriir ah kuma badin Old Trafford kooxda Red Devils dhamaan tartamada oo dhan waana rikoorkii ugu xumaa uu Jose Mourinho sameeyo waqtigiisa tababaranimo.

Man United waxey guuldaro kala kulantay West Ham United sabtidii waliba si foolxun ayaa 3-1 lagu dilay kulan ka tirsan horyaalka Premier League, sidoo kale Derby County ayaa ka reebtay tartanka Carabao Cup markii la isla gaaray rigooreyaal.

Paul Scholes wuxuu shaaca ka qaaday inuu filayay in maamulka Red Devils ay ceyrin doonaan Mourinho sabtidii, balse ma dhicin.

Xalayto kadib kulankii Valencia ayuuna ka sheegay istuudiyaha BT Sport sida uu nasiibka ugu lahaa inaan la ceyrin, isagoo sidoo kale carabka ku adkeeyay inuu Mourinho kooxda ceeb weyn usoo jiiday.

“Waan la yaabay inuu badbaaday kadib guuldaradii Sabtidii, bandhigga wuxuu ahaa mid xun, dhaqan iyo qaab ciyaareedba ma jirin”

“Wuxuu kasoo muuqdaa shirka jaraa’id isagoo toos u abaara ciyaartoyda, waa inuu la hadaaqo kuwa isaga ka sareeya sababtoo ah ma uusan helin wuxuu doonayay”

“Waxaan u maleynayaa afkiisa ma lahan wax koontorool ah, waana mid kooxda ceebeeyay”