Wasiirka Difaaca ee Ingiriiska Oo Hargeysa Yimid

Wasiirka Difaaca ee Ingiriiska Gavin Alexander Williamson, ayaa Booqasho aan hore loo shaacin ku Yimi Hargeisa
Wasiir Gavin Williamson, waxaa uu la kulmay Dhiggiisa Somaliland Ciise axmed xawar iyo Taliyaha Militeriga Nuux ismaaciil Taani.
Waa masuulkii ugu heerka sareeyay ee ka socda UK ee booqasho ku yimaadda Somaliland sidoo kale dhinaca gaashaandhigga waa sarkaalkii ugu sareeyay ee booqda Somaliland
Gavin williamson, ayaa sidoo kale la kulmi doona Madaxwaynaha somaliland mudane muuse biixi Cabdi.

Dawladda Ingiriiska ayaa gacan wayn ka gaysta dhismaha ciidamada amniga ee Somaliland.