Somali News

Wasiirka Difaaca ee Ingiriiska Oo Hargeysa Yimid

By Ahmed Cige

January 06, 2019

Wasiirka Difaaca ee Ingiriiska Gavin Alexander Williamson, ayaa Booqasho aan hore loo shaacin ku Yimi Hargeisa Wasiir Gavin Williamson, waxaa uu la kulmay Dhiggiisa Somaliland Ciise axmed xawar iyo Taliyaha Militeriga Nuux ismaaciil Taani. Waa masuulkii ugu heerka sareeyay ee ka socda UK ee booqasho ku yimaadda Somaliland sidoo kale dhinaca gaashaandhigga waa sarkaalkii ugu sareeyay ee booqda Somaliland Gavin williamson, ayaa sidoo kale la kulmi doona Madaxwaynaha somaliland mudane muuse biixi Cabdi.

Dawladda Ingiriiska ayaa gacan wayn ka gaysta dhismaha ciidamada amniga ee Somaliland.