Muqdisho, January 21, 2019 (HCTV) Cilad farsamo oo loo caal-waayay ayaa soo food saartay nidaamka daabacaadda Baasaaboorka Somalia muddo ku dhaw bil iyo badh, sida ay HCTV u xaqiijiyeen Qaar ka mid ah Hawlwadeenada Waaxda Socdaalka ee Soomaaliya “waxa la noo sheegay in aanu joojino gebi ahaanba buux-buuxinta iyo dalabka baasaaboorka Soomaaliya, sababtana waxaa naloo sheegay cilad farsamo oo soo waajahday nidaamka Baasaaboorka lagu daabaco” Sidaa waxa yidhi madaxa xarun laga dalbado Baasaaboorka soomaaliya oo codsaday in aan magaciisa la sheegin sabab la xidhiidha xagga amnigiisa.