Dablay Weeraray Deegaan ka Tirsan Gaarisa.

Image result for gaarisa

Laamaha ammaanka ee Kenya waxay sheegeen inay fashiliyeen weerar dabley hubeysan qy ku qaaday deegaan ku yaalla magaalada Gaarisa.

Mas’uuliyiinta waxay sheegeen in dableyda oo lagu tuhunsan yahay inay Al Shabaab ka tirsan yihiin ayaa bartilmaameedsaday labo shirkadood oo Shiinees ah oo dhisaya waddada isku xirta magaalooyinka Gaarisa iyo Wajeer.

Waxay intaasi ku dareen in booliska iyo militariga ay ka falceliyeen weerarka isla markaasna ay dileen afar kamid ah maleeshiyaadkii weerarka soo qaaday.

Balse ma aysan sheegin saraakiil iyo shaqaalaha shirkadda oo wax dhaawac ah soo gaaray.

source BBC.