Somalia oo Dunida u Baahi Sheegatay

Muqdisho January 22, 2019 (HCTV.TV) Dawladda federaalka ee dalka Somalia iyo hay’adaha caalamiga ah ee kala shaqeeya gargaarka bani’aadminada ayaa dalbaday in ka badan 1.08 bln USD oo lagu taageero 3.4 mln  Soomaali ah oo ku tabaalaysan deegaamada Somalia.

Sida ay ku warantay hay’adda isku dubaridka gargaarka ee UNOCHA haddii aan qaadhaanka la siinin waxa ay dhici karta in dhibaatooyin bani’aadminimo soo waajahaan dadka Soomaaliyeed ee ay marka horeba halakeeyeen abaaraha, colaadaha iyo barakucu.

 

Hay’adaha gargaarka iyo dawladda Somalia ayaa sheegay in sannadkani 2019 ay isla qaateen in aan lagu koobnaanin oo keli ah wax ka qabashada sidii loo badbaadin lahaa dadka tabaalaysan, balse loo baahan yahay in wax laga qabto dhibaatooyinka keenaya xaaladaha bani’aadminimo ee ay Somalia wehelka la noqotey.

Warbixinta ay soo saartay hay’adda UNOCHA waxa kale oo lagu sheegay in inkasta oo qaybtii hore ee sannadkii 2018 la helay roob ka badan intii caadiga ahayd, isla markaana ay wax wayn ka tartay helista cuntada ee dadka baahan, balse ay taasi weli tahay mid aan lugo adag ku taagnayn, isla markaana ay dhici karaan xaalado bani’aadminimo oo ka yimaado isbedelo dhinaca cimilada ah.

Waxa kale oo ay warbixintu sheegtay in saddex meelood oo meel dadka Somalia ay weli u baahan yihiin gargaar bani’aadminimo.

 

 

“haddii aanay hay’adaha gargaarku sii joogteyn hawlgalada gargaarka amaba aanay si degdeg ah wax uga qaban meelihii ay sida xun ugu dhufatay abaartu horaantii sannadkan horumarkii laga sameeyey dhinaca ka soo kabashada waxa iman doonta khatar kale oo halis gelisa nolosha maadaama oo ay Somalia weli tahay tahay meelaha ugu qalalaasaha badan leh dunida. Isbedelada cimilada iyo roobabkii deyrta oo yaraaday awgeed iyo colaadaha dabada dheeraaday iyo barakac joogtada ahi waxay saamayn xun ku yeesheen nolosha dadka oo ay baab’I’iyeen” sidaa waxa yidhi isku xidhaha hawlaha gargaarka ee Somalia ninka la yidhaahdo Peter de Clercq, “Waxaan ugu baaqayaa beesha caalamka inay sii wado dhaqaalaha ay ku bixiso gargaarka oo ay bixiso in ku filan, iyada oo ay barbar socoto hawlaha nafo badbaadinta ah maalgelino kale oo wax ka taraya adkaysiga iyo horumarinta in la helo xal waara oo wax lagaga qabto dhibaatooyinkani bani’aadminimo”. Ayuu hadalkiisa raaciyay

Dhinaca kale, wasiirka gargaarka bani’aadminimada u qaabilsan dawladda Somalia, Xamse Cabdi Xamse ayaa sheegay inay si dhaw ula shaqaynayaan hay’adaha kala shaqeeya arrimaha bani’aadminimada “waxaanu si dhaw ula shaqaynaynaa dhinacyada nagala shaqeeya hawlaha gargaarka si wax looga qabto dhibaatooyinka jira, isla markaana loo helo xal waara oo wax lagaga qabto” ayuu yidhi Xamse. Waxaanu intaasi ku daray inay sameeyeen qorshe  cusub  oo lagula tacaalayo wax ka qabashada dhibaatooyinka bani-aadminimo.