Hay’adda Shaqaalaha Adduunka ee ILO oo laga joojiyey shaqadii ay ka haysay Somaliland

Hargeysa, January 23, 2019 (HCTV.TV) Hay’adda Shaqaalaha Adduunka ee ILO ayaa la sheegay in gebi ahaanba laga joojiyey hawlihii shaqo ee ay ka waday dalka ka dib markii khilaaf soo kala dhexgalay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

Inkasta oo aanay Wasaaradda iyo hay’adda midkoodna ka hadal khilaafkani, haddana sida ay Horn Cable u sheegeen qaar ka mid ah shaqaalaha hay’addaasi waxa gebi ahaanba la joojiyey shaqadii ay ka haysay Somaliland.

Khilaafka ayaa la sheegay inuu Salka ku hayo, ka dib markii ay hay’addaasi iyo Wasaaraddu isku fahmi waayeen habka ay u wada shaqaynayaan, iyada oo ay wararku sheegeen in hay’addu waqtiyadani dambe si dhaw ula shaqayso dawladda Federaalka Somalia, taasina ay ka cadhaysiisay masuuliyiinta Somaliland oo aan doonaynin in mashaariicda ay hay’addaasi ka wado Somaliland ay wax lug ah ku yeelato dawladda federaalka ah ee Somalia.

Khilaafkani ayaa la sheegay inuu gaadhay madaxweynaha Somaliland, ka dib markii ay waraaqo ay is-dhaafsadeen Wasaaradda iyo hay’adaasi, isla markaana ay meel adag isla gaadheen.

Waxaanay wararku intaasi ku dareen in madaxweynaha Somaliland amray in la joojiyo shaqadda ay hay’adaasi dalka ka wado, inta ay madaxda ugu saraysa hay’adaasi dalka imanayaan, isla markaana ay labada dhinac isla afgaranayaan qaabka wada shaqayntooda.