Itoobiya Oo marti gelinaysa shirka dhaqaalaha dunida

Addis Ababa January 25, 2019 HCTV.TV) Dawladda dalka Itoobiya ayaa marti gelin doonta shirka dhaqaalaha adduunka ee sannadka 2020..

Sidaana waxa laga sheegay kulan dhex maray Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiye Axmed iyo aasaasaha xarunta dhaqaalaha adduunka Professor Klaus Schwab.

Kulankan ka dib ayaa la sheegay inay labada dhinac isla qaateen in dalka Itoobiya marti geliyo shirka dhaqaalaha adduunka.

Inkasta oo ay Itoobiya dalbatay inay marti geliso shirkaasi sannadkii tegay, haddana ma jirin wax jawaab ah oo ku soo noqotay, hase yeeshee sida ay wararku sheegeen kulankani oo ka dhacay meesha la yidhaahdo Davos ayaa Abiy iyo Klaus waxa ay ka wada hadleen arrimo badan oo ay ka mid yihiin dhaqaalaha ganacsiga, shirkadaha gaarka loo leeyahay iyo bulshada rayidka ahi saamaynta ay ku leeyihiin isbedelada dunida ka socda.

Haddii ay arrintani dhabawdo waxay noqonaysaa Itoobiya dalkii ugu horeeyey ee marti geliyo shirka dhaqaalaha adduunka ee ku yaala qaaradda khayraadka hodanka ku ah ee Afrika.