Daraasad cusub oo daah-furtay Magnad dhulku kaydsado

Hargeysa, January 30, 2019 (HCTV.TV) Inkasta oo ay khubaradda dunidu sheegtay in dhulku lumiyey in ka badan  magnetic field 565 Malaayiin sannadood ka hor, haddana qayb ka mid ah magnadka la yidhaahdo geo-dynamic phenomenon ayuu kaysaday sida ay sheegtay daraasad cusub oo dhawaan la sameeyey (new study).

Daraasadani oo lagu baahiyey wargeyska la yidhaahdo Nature Geoscience, waxay muujinaysaa inuu dhulku haysto magnad hoor ah oo aanay da’diisu waynayn isla markaana bilaabay inuu adkaado, taasi oo xoojinaysa awoodda magnadka ee dhulka  taasi oo ka hortegaysa in dabaylaha uunku ay xaadhaan awoodda magnadka iyo soo jiidashadda ka hortagi karta. ‘Marka lagu darro 14 xoggood oo sheegay in habka iska caabinta ee hirarkani ay hooseeyaan awood ahaan, haddana waxay dhamaantood isku raaceen in magnadkani geodynamo la saadaalinayo inuu noqdo mid awood badan, isla markaana adkaanaysa oo xagga hoose ka koreysa isku xidhnaanteeduna ay kobcayso” ayay yidhaahdeen cilmi baadhayaasha daraasadu.

Cilmi  baadhayaasha ayaad adeegsanaya tusaalayaal ay ka qaadeen plagioclase iyo clinopyroxene bariga n Quebec, ee dalka Kanadda ay heleen magnadyo qiyaastii ah inta u dhaxaysa 50 ilaa 100 nanometers xaddi ahaan, taasi oo ku noqotay mid la yaab badan.