Lix Qof oo maalin walba Miidaamo ugu dhinta dunida

Roma, January 30, 2019 (HCTV.TV) Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in Ugu yaraan lix qof  ay dunida ugu dhintaan safar midaamo ah maalin walba.

Sida ay ku warantay BBC-du  dadkani waxay dhintaan iyaga oo ku safraya doonyo isla markaana doonaya inay ka gudbaan badda u dhaxaysa Talyaaniga iyo dalka Libya.

Dawladda Talyaaniga ayaa sheegtay in sannadkani ay tirade dhimashadu hoos u dhacday marka loo eego sannadkii hore, sabab la xidhiidha tirade dadka muhaajiriinta ah oo oo hoos u dhacay, hase yeeshee tirade dhimashada dadka ka safraya dalka Libya ayaa iyadu kor u kacday, iyada oo afar iyo tobankii qof ee yimidba midkood dhintay sannadkii 2018-kii.

 

Hay’adda magaceeda la yidhaahdo Sea Watch,oo ah hay’ad Jarmal ayaa dawladda dalka Talyaaniga ku ashkataysay maxkamadda Yurub, ka dib markii ay ku eedeysay inuu meel kaga dhacay xuquuqda aadamaha, ka dib markii ay muhaajiriin laga soo guray badda Mediterranean ee u dhaw 19 January.

Dawladda Talyaaniga ee uu ka taliyo xisbiga mayalka adag ayaa diiday inay dadkaasi ay hay’addu keento xeebaha jasiiradda Sicily.