Komishanka Oo Ka Cawday Madaxweynaha Iyo Goleyaasha Somaliland

Hargeysa (HCTV) – Guddida doorashooyinka Somaliland, ayaa Maanta kulan Albaabbadu u xidhnaayeen la yeeshay Golaha Guurtida.

Kulankan oo aan la’ ogolayn in Saxaafaddu xaadir ku ahaato ayaa markii uu soo idlaaday waxa si gaar gaar ah Warbaahinta ula hadlay Guddoomiyaha Guddida Doorashooyinka Somaliland, Eng. Cabdiqaadir Iimaan Warsame iyo Guddoomiyaha Golaha Guutida, Md. Saleebaan Maxamuud Aadan, waxaanu mid walba dhankiisa uga hadlay waxyaabihii ay ka wada-xaajoodeen.

Guddoomiyaha Komiishanka Doorashooyinka Somaliland

Guddoomiyaha Guddida Doorashooyinka, Cabdiqaadir Iimaan Warsame oo hadalka ku horreeyay ayaa si taxader leh u sheegay inay Golaha Guurtida isku fahmeen waxyaabihii ay isla soo qaadeen, waxaanu yidhi  “Xog-waraysi bay ahayd, waanuna is-fahanay (Guurtida), Xog baanu siinay, iyaguna xog bay na siiyeen, waanuna is fahanay iyo in doorashadii sidii ay u muddeeyeen loo galo.”

Laakiin, Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Md. Saleebaan Maxamuud Aadan oo isaguna markaa ka dib la hadlay War-fidiyeennada ayaa sheegay in Komishanku u sheegeen sababta dib u ridday doorashada, waxaanu yidhi  “Waxay ku kordhiyeen oo aan ahayn doorashadii qabsoomi mayso ma ahayn (waxay ka hadleen Komishanku), eeddiina waxay saareen Madaxweynaha, Xisbiyada, iyo Labada Gole (Baarlamaanka), waxna way ka jiraan (eedda Komishanka), laakiin inay xilkooda weeyaan..”

HCTV News Desk