Somali News

Akhriso: Khudbad-sannadeedka 2019-ka Ee Madaxweynaha Somaliland

By Ahmed Cige

March 24, 2019

Hargeysa (HCTV) – Madaxweynaha Somaliland, Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa Maanta khudbad-sannadeedka Dastuuriga ah u jeediyey labada Gole ee Baarlamaanka (Wakiillada iyo Guurtida).

Madaxweynaha ayaa khudbad-sanadeedka 2019-ka kaga hadlay arrimo badan oo ay ka mid tahay dhismaha Waddada u dhaxaysa Berbera iyo Wajaale, Abaarihii dalka soo maray.

Madaxweynuhu waxa kale oo uu ka hadlay siyaasadda arrimaha dibedda, dedaallada Xukuumaddiisu kula dagaalamayso sicir-bararka, Caafimaadka iyo Biyaha.

Madaxweynaha Somaliland, Md. Muuse Biixi Cabdi

Khudbadda Madaxweynaha oo dhamaystiran ayaa u qornayd sidan:-

Mudanayaal,  Maanta oo ay Xukuumaddu xilka haysay sannad, saddex bilood iyo maalmo, waxaan ku faraxsanahay in aan idinla wadaago xaaladda guud ee dalka, wixii innoo qabsoomay, iyada oo halbeegeenu yahay qorshaha Horumarinta Qaranka (NDP II) iyo Barnaamijkii Xisbigu ku galay tartanka doorashada. Waxa kale oo aynu isla eegi doonaa hawlaha inna horyaalla ee mustaqbalka dhaw iyo ka dheerba ah.

Waxaynu ku nool-nahay adduun isbedelka, horumarka iyo aqoontu dheeraynayaan. Isbedelkaasi wuxuu saameyn togan iyo tu tabanba ku leeyahay nolosheena. Wuxuu saameynayaa habka aadmigu u fikiro iyo habka loo adeegsado aqoonta casriga ah. Wuxuu xoojinayaa oo kobcinayaa dhaqaalaha, caafimaadka, kaabayaasha dhaqaalaha iyo tiknoolajiyadda casriga ah. Isbedelkani wuxuu leeyahay dhinacyo taban, waxaana ka mid, wuxuu abuuraa bulsho ku kala fogaata dhinaca dhaqaalaha, aqoonta iyo dhaqankaba. Tiknoolajiyadda cusubi waxay baabiinaysaa hab-nololeedka inta badan bulshooyinka kala duwan ee adduunka, isla markaana wuxuu keenaa isbeddel cimillo oo horseeda abaaro, duufaano iyo roobab wakhtigoodii seega.

Arrinkani wuxuu inna farayaa in aynu xoogga saarno ka fikirka mustaqbalka fog.

Guulaha aynu maanta gaadhnay waxaynu ku hannanay; gar-gaar Eebe ka sokow,  

Mudanayaal,

Adduunku waa tiro sagaal ah oo ma tobnoobo. Guulahaa aynu gaadhnay waxa garab socda dhinacyo wax-ka-qabasho u baahan, in kasta oo aynu dadaalnay, wali waxa innoo qabyo ah:

Haddaba, is waydiintu waxay tahay, sidee baynu u waajahaynaa mustqabalkeena? Ma innaga oo isku duuban, isku kalsoon, iskaashanayna oo isku dulqaadanayna?

mise

innaga oo is khilaafsan, ka hirdamayna gudaheena oo kala xantaysanaya?

Waxay ila tahay, danteenu waxay ku jirtaa innaga oo isku duubnaanna oo xoogga saarna nabadda, horumarka dalkeena oo dhinacyo badan leh iyo u diyaar garowga duruufaha ina horyaal, ee isbedelka cimilladu ka mid tahay.

Xildhibaannada labada Gole ee Baarlamaanka JSL

Xukuumadda aan odayga ka ahay, iyada oo ka duulaysa aragtidaa guud ee mustaqbalka, waxay muddadii ay xilka haysay qaaday tallaabooyinka soo socda:

1. Nabadda

Mudanayaal,

In kasta oo aynu xagga Amniga ka qaadnay tallaabooyinka kor ku xusan, haddana weli waxa jira hawlo u baahan wax-ka-qabasho:

1.2. Adeegga Bulshada

Mudanayaal,

Xukuumadda waxaynu u dhisannay oo awood fulineed loo siiyey in ay hubiso in muwaadinku helo adeegyada bulshada ee ay ka midka yihiin, cunto, biyo, caafimaad, waxbarasho iyo shaqo abuur.

  1. Caafimaadka

Xukuumaddu waxa ay siisay ahmiyad ballaadhan horumarinta caafimaadka iyo dib u qaabeynta adeegga caafimaadka ee ay bixiyaan cusbitaallada dalku. Sannadkii la soo dhaafay ee 2018-kii:

Xukuumaddu waxay aaminsan tahay in waxbarashadu tahay furaha horumarka iyo iftiinka nolosha. Sidaas darteed, waxaannu xoogga saarnay dib u habeynta iyo tayeynta waxbarashada dalka.

Biyuhu waa nolosha aadamaha iyo astaanta koowaad ee horumarka, iyada oo taa laga duulayo, waxa dadaal la galiyey ballaadhinta biyo-galinta magaalooyinka iyo biyo gaadhsiinta miyiga.

Dhismaha mustaqbalka dhallinyaradu, waa dhismaha mustqabalka iyo quruxda Qarankeena. Xukuumaddu iyada oo ogsoon muhiimadda dhismaha dhallinyaradu u leeyahay Qaranka:

1.3. Dhaqaalaha

Dhaqaaluhu waa saldhiga horumarka ee dal kasta oo dunida ku yaal. Dhaqaale la’aan horumar lama gaadho. Haddaba, iyadoo taas laga duulayo, waxay xukuumaddu u tafaxaydatay sidii dhaqaaalaha dalka loo kobcin lahaa innagoo isku tashanayna. Waxay xukuumaddu xoog saartay wax-soo-saarka Beeraha, Xoolaha, Kalluumaysiga iyo Khayraadka dhulka hoostiisa ku duuggan.  

  1. Beeraha

Dhanka beeraha waxa la xoojiyey beeridda dalagyada kala duwan ee banka Wajaale, Beer iyo Xaaxi.  Si loo dhiirrigaliyo wax-soo-saarka beeraha, loona beegsado isku filnaansho dhinaca wax-soo-saarka ah mustaqbalka:

B. Xoolaha   

Xooluhu waa laf-dhabarta dhaqaalaha dalkeena, in badan oo dadkeena ahina waxay noloshoodu ku tiirsan tahay xoolaha nool.

C. Kalluumaysiga

Kalluunku waa khayraad sidii la rabay aynaan uga faa’iidaysan, waxaase hadda socda qorshayaal ay Xukuumaddu ku dhiirrigelinayso in kalluunku ka helo saami wanaagsan suuqyada dalkeena iyo kuwa jaarkaba, lana taageero ganacsatada ku hawlan kalluumaysiga.

Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda, Baanka Dhexe iyo Suuqa Sarrifka Lacagaha oo iskaashanaya, una adeegaya danta Qaranka waxa ay awood u yeesheen in ay sicir-bararka hoos uga soo dhigaan 19.2%, gaadhsiiyaana 7.7%.

Waxa sidoo kale la suurtageliyey in qiimaha sarrifka Shillin ka Somaliland uu kor u kaco 15%. Kor-u-kacani waxa uu daganaansho lacageed galiyey suuqyada lacagaha ee dalkeena.

1.4. Horumarinta Kaabayaasha Dhaqaalaha

Mudanayaal,

Kaabayaasha dhaqaalaha, sida Waddooyinka, Dekadaha iyo Garoomada diyaaraduhu, waxay qeyb weyn ka qaataan horumarka iyo koboca dhaqaalaha dalka. Sidaa darteed, Xukuumaddu waxay muhiimad gaar ah siisay horumarinta iyo casriyeynta kaabayaasha dhaqaalaha dalka.

1.5. Abaaraha iyo Isbedelka Cimillada

Isbeddelka Cimillada adduunku waa xaqiiqo raadkeedu ka muuqdo dalkeena. Waxa markhaati u ah abaaraha ku soo noq-noqday dalkeena iyo roob yaraanta. Arrintaasi waxay saameyn ku yeelatay hab nololeedkii dadka, duunyada iyo deegaanka.  

Cimillada adduunka ee isbeddelaysa, abaaraha iyo roob yaraantu waa dhibaato ka awood badan bani’aadamka. Waxa maanta dalkeena u baahan gar-gaar deg-deg ah in ka badan 1.5 Milyan qof.

1.6. Doorashooyinka

Mudanayaal,

Sida aad la socotaan, Dastuurkeenu waxa uu inna farayaa in shantii sannaba mar la doorto Golayaasha Qaranka – Madaxweynaha, Madaxweyne Ku-igeenka, Golayaasha Sharci-dejinta iyo Golayaasha Deegaanka. Sidaa darteed, xukuumaddu waxay u hogaansan tahay sida uu farayo Dastuurka Qaranku.

1.7. Siyaasada Arrimaha Dibada

Walaalayaal,

Siyaasadda Arrimaha Dibeddu waxay ku dhisan tahay nabad-gelyo, daris-wanaag iyo iskaashi dhex-mara dalalka Gobolka iyo Caalamka, intaba.

Si aynu u adkayno seeska iyo xaqiijinta siyaasaddaas, waxa bud-dhig u ah saddex tiir oo kala ah:

  1. Ictiraaf-raadinta.

1. Ictiraaf raadinta.

Waxaannu xidhiidho badan la sameynay dalalka caalamka, kuwa innala saaxiibka ah, kuwa ka soo horjeeda qaddiyaddeena iyo kuwa labadaa dhexdooda taagan intaba. Waxaannu kulamo hawleedyo muhiim ah la yeelanay aqoon-yahanno, siyaasiyiin iyo diblumaasiyiin caalami ah oo taageera Somaliland, kuwaas oo keenay qoraallo muhiim ah iyo talooyin dhaxal gal ah.

Waxaynu taageero diblumaasiyadeed ka helnay dalalka aynu saaxiibka nahay. Waxay ku qanciyeen badiba dalalka caalamka ugu tunka weyn leh in Somaliland taagan tahay wakhtigii Bulshada Caalamku dhexgeli lahayd dalalka Somaliland iyo Soomaaliya.

Dawladda Turkiga ayaanu in badan wada hadalnay, iyada oo doonaysa in ay kalideed inna dhex-dhexaadiso innaga iyo Somalia. Hase yeeshee, annaga oo dareensan 7 sanno oo Turkigu arrintaa ku jiray in aanay wax midho ah dhallin, waxaannu ku talinnay in arrinta wada-hadalku ay noqoto mid ay goob-joog ka wada noqdaan dhammaan dawladaha iyo urrurada caalamiga ah ee arrinta wada-hadalka u diyaarka ah.

Waxa si toos ah noola soo xidhiidhay dawladaha Sweden iyo Switzerland oo mid walba gaarkeeda diyaar ugu tahay in arrinta wada-hadalka Somaliland iyo Soomaaliya ay marti-geliso. Somaliland way aqbashay labadaa marti-qaadba.

Waxa muuqata in caalamka badankiisu garwaaqsaday in la joogo wakhtigii la kala guri lahaa Somaliland iyo Soomaaliya. Annagu Xukuumad ahaan waxaannu qaadanay siyaasadda ah in mushkiladda loo galo si nabad ah oo lagu dhammeeyo wada- hadal iyo nabad-gelyo. Mar walba waxaannu ka fogaanaynaa wixii keeni kara xasarad iyo colaado hor-leh, maadaama Somaliland ay waayo-arag u tahay riiqda colaadaha.

Siyaasaddaasi nabadeed ee aynu qaadanay waxay keentay in wufuud caalami ah oo badani innoo yimaadaan oo arrintaa ku hawlani. Sidoo kale, aynu martiqaadyo ka helnay dawladaha aynu saaxiibka nahay.

2. Kasbashada taageero dhaqaale oo caalami ah oo loo helo dib u dhiska

    Dalka.

Iyada oo la kaashanayo Bulshada Caalamka iyo Saaxiibada Somaliland taageera, waxa suurtagashay in Somaliland hesho taageero dhaqaale oo gaadhaysa ilaa 150 milyan oo doolar, oo loogu talo-galay horumarinta jidadka iyo mashaariicda horumarka ee uu fuliyo Sanduuqa Horumarinta Somaliland shanta sanno ee socda.  

Waxaannu qorshaynaynaa in Somaliland iyo Qaramada Midoobay yeeshaan nidaam iyo Qorshe u gaar ah Somaliland, oo ay Somaliland ku hesho saamiga saxda ah ee Deeqaha ay bixiso Qaramada Midoobay (Somaliland UN Special Arrangement), sida Bulshada Caalamkuba hore ugu sameysay Somaliland qorshaha gaar ah ee (Somaliland Special Arrangement). Qaramada Midoobayna waxaan ugu baaqayaa in ay ilaaliyaan xaq-soorka iyo caddaaladda saamiga gar-gaarka ay bixiyaan.  

3. Iskaashiga, is-qadarinta iyo nabad-ku-wada noolaanshaha dalalka dariska ah iyo guud ahaan caalamka.

Soomaaliya waxaynu xad ka leenahay maamul-goboleedka Puntland. Waxaannu u haynaa walaalnimo, iskaashi iyo nabad-gelyo. Waxaase maalmahan dambe soo kordhaya ciidamo maamulkaasi ah oo ka soo gudbaya Xadka inoo dhexeeya, falal nabad-gelyo darro ahna ka sameynaya gudaha Somaliland. Soomaaliya waxaannu ugu baaqaynaa in ay ka fogaadaan wixii nabad-gelyada iyo xasilloonida Gobolka wax yeelaya. Waxaannu ka digaynaa haddii waanadayada la weelayn waayo, in Dawladda Somaliland ay waajib ku tahay in ay ilaaliso nabadda iyo hantida muwaadiniinta Somaliland.

Somaliland waxay diyaar u tahay in ay door weyn ka ciyaarto isbeddelka dhaqan-dhaqaale, ganacsi iyo bulsho ee ka socda Geeska Afrika. Hase yeeshee, Jamhuuriyadda Somaliland waa Qaran madax-bannaan oo weligii jiray, haddana jooga, kana jiri doona Gobolka Geeska Afrika iyo Caalamkaba. Waa Qaran ku leh qeybtiisa iyo miisaankiisa isbeddelka ka socda Gobolka Geeska Afrika. Cidda Somaliland iska indha-tirtaa, waxay xagal-daacinaysaa isbeddelka iyo horumarka uu beegsanayo Geeska Afrika, waxaanay si taban u saameyn doontaa horumarka iyo iskaashiga Gobolka.

Geba-gabo

Mudanayaal,

Waxaynu nahay Qaran madaxbannaan oo leh dastuur shacabku u codeeyey, golayaasha Qaranna ku soo doorta cod shacbi (Qof iyo Hal Cod). Waa dimuqraadiyad dhif iyo naadir ku ah Afrika iyo in badan oo adduunka ah.

Shacabka Somaliland waxaan ugu baaqayaa in ay u midoobaan danta Qaranka, ku fara adaygaan nabadgelyada, u dadaalaan horumarka, ka fekeraan mustaqbalka fog iyo aayaha ubadkooda, dariska iyo caalamkana kula noolaadaan nabad iyo iskaashi..”

HCTV News Desk