Caasimadda Isreal Oo La Duqeeyay, Khasaaraha Iyo Wararkii U Dambeeyay

Tel Aviv (HCTV) – Saaka Subaxdii hore ayaa Gantaallo lagu weerarray Magaalada Tel Aviv ee Caasimadda Dalka Isreal.

Gantaallahan oo laga soo riday marinka Qasa ee dhulka Falastiiniyiinta, ayaa waxa ka dhashay khasaare, waxaana ku dhaawacmay 7 Qof oo Yuhuud ah, waxaana ku burburay gaadiid iyo dhismayaal qaarkood ay ku dhaceen Gantaalladu.

Illaa hadda ma jirto Cid sheegatay Masuuliyadda Weerarkan, laakiin Afhayeen u hadlay Milletariga Isreal, ayaa weerarkan ku eedeeyay Kooxda Xamaas ee maamusha Qaza, waxaanu sheegay Afhayeenku in Gantaallaha ku soo dhacay Gudaha Caasimadda Isreal yihiin kuwo ay farsameeyeen Xamaas.

Raysal-wasaaraha Isreal Benjamin Netanyahu oo ka hadlay weerarkan ayaa ku hanjabay inay kaga jawaabi doonaan Awood Ciidan..

Illaa 2014-kii, waa markii koowaad ee Gantaallaha laga rido Qaza ay gaashaan xudunta Tel Aviv.

 

HCTV News Desk