Sweden: Soomaaliyad Noqotay Xildhibaankii U Horreeyay Ee Xijaab Shaqada Ku Tagta

Sweden (HCTV) – Layla Cali Cilmi oo ah Haweenay asal ahaan ka soo jeeda Soomaali ayaa noqotay haweenaydii u horreysay ee markii loo doortay Xildhibaannimo jebisa deyrkii xijaab la’aanta isla-markaana shaqada ku tagta Xijaab, iyadoo noqotay haweenaydii u horreysay ee sidaasi yeesha.

Layla oo ka mid ah Xisbiga Green Party ayaa doorashadan ku matalaysey Dadka ay cunta ugu badan ka heshay ee soo galootiga ah ee ka aradan adeegyada Bulshada, kuna liita Waxbarashada.

Layla oo Dalka Sweden gaadhay iyadoo laba sano jir ah, ayaa sheegtay inay ka shaqayn doonto in Dumarka soo galootiga ah helaan fursado la mid kuwa ay ku haystaan Haweenka kale ee reer Sweden, si ay iyagu fillaadaan.

“Waxaan ka shaqeynayaa la dagaalamayaa midab-takoorka hay’adaha (Dawladda), waxaana ka shaqeynayaa in haweenku helaan fursad isku mid ah, gaar ahaan haweenka soo-galootiga ah…” ayay tidhi, Layla Cali Cilmi.

Haweenaydan oo dhawaan la doortay ayaa sheegtay in Dadka ay degaankooda ka soo baxday ay khatar ku noqon karaan nolosha Muwaadiniinta kale ee reer Sweden, haddaan la horumarin degaankooda “Waxay iila muuqdaan inay yihiin khatar ku iman karta bulshada Iswiidhishka ah…”ayay tidhi.

 

HCTV News Desk